Xidhiidhka Dhexeeya Cadhada Badan Iyo Wadne Istaaga Oo La Ogaadey

0
379

Daraasad cusub oo ay sameeyeen koox ka socotay dalkaasi Maraykanka ayaa lagu sheegay in qofka cadhada badani uu khatar ugu jiro inuu wadnuhu istaago,isaga oo markasta la kulmaaya khalkhal dhinaca cimilada ah ,gaar ahaana kulaylka jidhka oo is bedbedelaaya,taasina ay tahay ta keeni karta inuu qofkaasi ku dhaco wadne istaag kusoo boodo ahi.

Daraasado badan oo ay dadka khubarada ahi ka sameeyeen dadka cadhada badan iyo sidoo kalena daba gal badan oo ay sameeyeen ayaa la sheegay in warbixin laga soo saaray toddobaadkan,taas oo muujinaysa in cadhada badan uu ka dhalan karo wadne xanuun ,sidoo kalena uu ka dhalan karo wadne istaag kadib isbedelka badan ee ku dhacaya xaalka heer kulka qofka .

Khubaradan ayaa sheegay inuu xanuunkan wadne istaagu ka khatar badan yahay tiroba shan jeer faaliga ,taasina ay tahay mida keentay inay dadku u dhintaan inta ugu badan,sidoo kalena waxay kooxdan khubarada ahi sheegeen inay dhowaan soo saari doonaan daraasad kale oo tan dhinac socotay ,taas oo laga sameeyey inta qof ee u dhimata xanuunkan iyo inta faaligu dilo .

Iskuulka caafimaadka ee Harvard ayaa cilmibaadheyaashiisu sheegeen inay xisaabiyeen khatarta uu dadka u lee yahay xanuunkan iyo sidoo kale heerarka kala duwan ee uu ka maraayo iyo dadka cadhada ka qaadayba,iyaga oo doonaaya inay dadka cadhada badan la yeeshaan wada shaqayn si ay u ogaadaan hadba sida uu heerkiisa caafimaad yahay.

“berigii hore marka la eego wuu yaraa xadiga dadka cadhada ka qaadi jiray xanuunkan wadne xanuunka iyo sidoo kalena wadne istaaga,waana mid lagu qiyaasi jiray ilaa 10,000 oo qof in laga helo ilaa 50 qof,taasina waxay ahayd  cimilada oo aan lahayn wax is bedela,laakin markii cimilada caalamku isbedeshay waxa iyaduna is bedeshay dabeecadii dadka oo ay samayn ku yeelatay,waxaana laga yaabaa in maanta 10,000 ee qof laga helo ku dhowaad 657 qof oo xanuunkaasi qaba wadne xanuunka”sidaad waxa tidhi Elizabeth Mostofsky.

Kooxdan ayaa daraasadooda kusoo gebogebeysay inay aad ugu kalsoon yihiin in cadhadu tahay ta inta ugu badan keenta inuu qofka wadnuhu xanuuno ,sidoo kalena uu ku dhaco wadne istaaga waxa loo yaqaanaa,taasina ay tahay ta aakhirka keenta inuu u dhinto qofkaasi,iyaga oo intaas raaciyey inay doonayaan inay daraasadan sii wadaan oo  waxyaalo kale oo muhiim ah ogaadaan.

 

Leave a Reply