Hibo: Basaasadii Halista Ahayd Qaybtii 9aad

0
630

Amarkaasi madaxaweynaha ka dib waxa la bilaabay baadhis xoog leh oo joogto ah iyadoo weliba uu jiray shaki weyn oo dhamaan dhinacyada ciidanka ah.  Taliyaha sirdoonka Masar ayaa sameeyay guddiyo baadhis sameeya isagoo mid kasta u sameeyay horjooge. Waxay baadhayeen oo oganayaaen wakhtigaasi dhamaan isgaadhsiinta socota hawada iyo wararka ku jira iyo weliba halka codkaasi ama qoraalkaasi ka soo baxayo, iyadoo wkahtigaasi aad loo  isticmaali jiray qalabka Aryalka. Waxaana dariiqyada Qaahira dhex mushaaxayay gaadiidka ciidanka sirdoonka ee uu ku xidhan yahay isgaadhsiinta kuwaasi oo soo qabanayay macluumaadka socda hawada.

Baadhistu waxay keentay in gudigii uu hogaaminayay General Fu’ad Nasar oo ah taliyaha sirdoonka dagaalka inuu helay qoraalo ka soo baxaya qalab saaran dhismayaasha dhaadheer midkood oo ku socda Talyaniga kuwaasi oo ahaa warbixino ciidanka ah.   Markii ay weydiiyeen qofka degan ninka leh fooqaasi waxa uu u sheegay inuu degan yahay sarkaalka ciidanka ee Faaruq Fiqhi oo wakhtigaasi aha taliye ka mid hogaanada ciidanka ee muhiimka ah si buuxdan ula socda dhamaan dhaqdhaqaaqa ciidanka iyo hubkoda.

Waxaana uu markiiba la socodsiiyay wasiirka gaashaandhigga   Axmed Ismaaciil oo isna usii gudbiyay Madaxweynaha Anwar Asadaata.Basaaska Israa’iil Faaruq markiiba la soo xidhay, Waxaa markiiba loo kexeeyay xafiiskiisa oo hore baadhis logu sameeyay oo wakhtigaaasi u fadhiyay kurisgiina kuna sugayay taliye xigeenka sirdoonka janaraal Xasan Cabdi qani, si xilka looga tiriyo loona xidho.

Marki Faaruq usoo galay xafiiska waxa la faray inuu xilka tiriyo , isla markaaba wejigiisa ayaa is bedely indhuhuna way taagmeen, cabsi iyo gariir badanina waa ka muuqday.   Baadhista lagu sameeyay qolkii uu deganaa ayaa laga soo saaray qalabka isgaadhsiinta e u isticmaali jiray oo ahaa wiyerless “Wireless device”, qalab code ah, khad qarsoon, iyo quraarad dawada qufaca ah.

Waxay sidoo kale ay ka heleen waxooga waraaqo ah oo lagu diyaariyay macluumaad muhiim oo inuu diro doonayay kuwaasi oo si fiican u cadaynaya khariidada ciidamada Masar iyo unugyadiisa muhiimka ah, hawlabyalaasha saldhigyada ciidan oo ku jiraan kuwa hawada, wadooyinka loo maro, goobaha ay yaalaan gantaalaha ciidanku, dhufaysyada ciidanka ee muhiimka ah..

 

 

Leave a Reply