Falsafadda Iyo Faylsuufyadii Nafta Iska Jaray!

0
364

Erayga Falsafadu waa eray Giriig waxaana luqada Carabida uu ku soo biiray waayadii turjumadda macno ahaa waa jacaylka xikmadda ama waa baadhidda cilmig ama raadinta xaqiiqda. Haddaba raggii falsafadda u go’ay kuwo badan oo ka mid ah ayaa raadintaasi markii ay ku daaleen si iskood ah isu khaarajiyay, taasi oo ay sabab u tahay xaqiiqda diinta iyo rumaynta Allah (sw) oo ay ka anbadeen.  Faylasuufyadan soo socda ee caanka ah mid kastaa waxa ku dhacay nooc waali ah ugu danbaystii ka dibna wuu is dilay.

 

 

 

Faylasuufkii caanka ahaa Aristootal ( 384-322) wuxu isku tuuray badda,  markii uu awoodi waayay inuu sharaxo sababta ay mawjadaha baddu isu bedelaan maalin keliya labaatan jeer.

Faylasuufkii kale ee lagu magacaabi jiray Siyunoon ayaa farahiisa mid jaray markii u gaadhay da’da 90 sano. Isagoo dhiigu ka daadanayo ayuu lugihiisa dhulka la dhacayay isagoo ku qaylinaya  baydka gabayga ah : “ Waan imi halkan (dunida), Maxaan halkan u imi ? , ilaa iyo intii ay naftu ka baxaysay.
Faylasuufkii Romaniga ahaa ee Bergrinos ayaa isna shiday dab aad u weyn , wuu ku wareegaystay isagoo dabku cod iyo midabo kala duwan bixinaya. Ka dibna wuu isku tuuray oo halkaasi ayuu ku dhintay.

 

Leave a Reply