Waxgaradka Hawd Iyo Maroodi-jeex oo Taageero Mug leh u Muujiyay Murrashax Muuse Biixi

0
323

Hargaysa (Dawan)-  Aqoonyahannada  iyo Waxgaradka Gobalka Hawd iyo Maroodi-jeex, ayaa taageero u muuyiyay  murrashaxa Madaxweyne ee xisbal-xaakimka  KULMIYE,  Muuse Biixi Cabdi.

Siyaasiyiin iyo waxgarad shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa, ayaa cod dheer ku sheegay  in beesha gobalka Hawd iyo degmada Axmed ay garab taagan yihiin murrashax Muuse Biixi Cabdi.maadaama oo uu yahay murrashax  ka soo jeeda gobalka Hawd.

 

Sidiiq  Cawil Axmed  oo  ka hadlay shirkaas jaraa’id ayaa  u soo jeediyay beesha galbeedka Hargaysa in garab istaagaam murrashax Muuse Biixi Cabdi.waxaannu  yidhi; “Waxaan doonayaa in aan fariin u diro bahwaynta aanu jaarka nahay ee aanu dhinaca isku hayno ee beesha galbeedka Hargaysa,waxaan leeyahay iyadoo aanan qabyaalad uga faa’iidaysanayn waa murrashax  umana baahna in faalo laga bixiyo ninkaa ama aanu idinku halayno annagoo ah beesha Hawd iyo Axmed Dhagax oo sidii aanu idinka filaynay ha noqoto ama noo daaya annagaa la dabaalanayna oo madaxtinimadiisa difaacaynee.”

Waxa kaloo uu xusay inaanay wax taageero ah u kordhinaynin xisbiga WADDANI xubnihii dhawaan ku biiray ee ay horkacayeen Abiib Timacad iyo Ismaaciil yare.

 

Maayarkii hore ee magaalada Baligubadle Ibraahim Muuse Raage, ayaa sheegay in beesha gobalka Hawd ay taageersan tahay murrashax Muuse Biixi Cabdi, waxaannu yidhi;   “Ka   beel ahaan waxaannu ku raacnay  Muuse Biixi barnaamijka siyaasadeed ee  xisbiga   KULMIYE  soo dhigay,  ninka Muuse la dhashay ee aan ogayn in murrashax  yahay annaga ayaa u sheegiye ee hana soo maro,wax ka qabyo ahina ma jiro  adigoo  iga xiga  kuuma ogoli in aad u timaado   waayo waxba waanad u tarayn hankiisa madaxweyne ayuu ku haystaa bari iyo galbeed ayuu taageero kaga haystaa Muuse Biixi Cabdi.”

 

Maxamed Aadan Cabdilaahi (Summuni), ayaa sheegay inay taageero mugleh la garab taagan yihiin Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, waxaannu tilmaamay inaanay shakhsiyaad siyaasada meel ka waayay aanay taageero ka nusqaaminaynin.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply