‘Hooyadii Nacaska, Fariid Qaaliya Ka Dhigtay!!’ Qiso

0
428

Markii hooyadii loo sheegay in wiilkeedu nacas yahay, oo ay ogaatay inuu yahay kan fasalka ugu doqonsan ee ugu liita waxbarashada way naxday. Laakiin hooyadan saboolka ahayd  ayaa markiiba go’aan ku gaadhay inay wiilkeeda aqoontiisa kor u qaado. Maktabad Jaarkeeda ah ayay ka soo qaaday laba buug oo xiiso leh si uu u akhristo.   Waxay bartay oo ka caawisay sidii uu u kordhin lahaa akhriskiisa, waxay nidaamisay wakhtigiisa umay diidin inuu daawado Telefishinka iyo inuu la ciyaaro saaxiibadii midna.

Markii Kutubta xiisaha badan ee uu akhristay si tartiib ayuu isu bedelayay, marka uu buug dhameeyo mid kale ayay usoo qaadaysay. Waxaana uu sheegay inuu aad u jeclaa buugaagta xayawaanka iyo deegaanka ka sheekaya.

Akhriskaasi ayaa kordhiyay tayadii maskaxeed ee uu lahaa iyo aqoontiisaba. Markii ay da’diisu gaadhay 22 sano waxaaba uu noqday Dhakhtar iyo Agaasimaha cusbitaalka Baltimore ee qalliinka dareemayaasha caruurta ee dalka Maraykanka.  Waxa uu ahaa Dhakhtarkii uu horeeyey ee kala saar mataano madax iskaga dhegan sanadkii 1987-kii.

Waxaan uu sameeyay in ka badan 90 buugaag iyo qoraalo caafimaadka ka hadlaya. Waxana aqoontiisu u suura gelisay inuu helo 34 jaamacadood oo kala duwan oo waxbarsho bilaash ah ula diyaara.  Hooyadan saboolka ah ee jaariyada ahayd waxay ogaatay in akhrisku uu yahay wadada ay wiilkeeda awoodiisa ku noolayn karto noloshiisana ku guulaysan karo.

 

Waa qiso dhab ah waana qisada nolosha dhakhtarka ugu caansan Maraykanka Dr.Ben Carson iyo sida ay hoyadii uga kaxaysay nacasnimada uguna dhigtay qof caan ah oo nolosha ku guulasytay. Dr.Ben Carson Sanadkii 1994-kii ayuu isaga gabadhiisu fureen dugsiga lagu magacaabo Carson Scholars Fund oo bilaash wabarashdiisu tahay.    (Succes magazine).

Leave a Reply