Hargeysa- Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cumar Shucayb Maxamed, ayaa shaaca ka qaaday inay xaalad abuur tahay, isla markaana sharcigu qabanayo xildhibaan Siciid Cartan oo ka tirsan Golaha Wakiillada oo sheegay inaanay xukuumadi ka jirin Somaliland.
Wasiirka iyo masuuliyiin kale oo ka soo jeeda gobolka Saaxil, ayaa raaligelin ka bixiyey aflagaadooyin xildhibaan Siciid Cartan oo ka tirsan Golaha Wakiilladu u soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland iyo safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Jamhuuriyada Somaliland.
Agaasimaha Guud ee wasaarada Waxbarashada, Mr. Axmed Abokor oo ka hadlayey eedaha xildhibaanka ayaa sheegay inay yihiin kuwo baalmarsan qawaaniinta dalka, waxaannu yidhi; “Waxaan halkan kaga jawaabayaa hadallo deelqaaf ah oo xildhibaan Siciid Cartan u jeediyay Madaxweynaha Somaliland iyo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan. Waxaan leeyahay xidhibaanka waxaad ka tirsan tahay golaha sharci-dejinta-waa kugu ceeb adigoo sharci-dejintii ah inaad tidhaahdo ‘Digreetada madaxweynaha Somaliland soo saaro diida dadka’ waa nasiib-daro in xildhibaan Siciid Cartan heshiiskii saldhiga millatariga uu shalay ansixiyey, maanta diido.”
.
Agaasimuhu wuxuu xusay inuu madaxweynaha iyo qoyskiisa ka raaligelinayo hadalkii meel-ka-dhac ah oo ka soo yeedhay Xildhibaankaas, waxaannu yidhi; “Waxaan ka xaalmarinaya Madaxweynaha Somaliland iyo qoyskiisa, aflagaadada qaawan ee xildhibaan Siciid u geystay. Madaxweynaha lagama saxeexo digreetooyinka ee isagaa soo saara, guud ahaan dalka Somaliland isagaa ka masuul ah, waa ceeb in maalinba Madaxweynaha nin xildhibaan sheeganayaa uu wax ka sheego.”
Xildhibaan Dayib Xasan oo ka tirsan xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland oo ka jawaabayey eedaha qaawan ee xildhibaan Siciid Cartan ku hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey kaalintii uu xildhibaankaasi ku lahaa ansixinta heshiiskii saldhiga millatari ee ay wadagaleen Somaliland iyo dawladda imaaraadka carabtu; “Saldhiga aad ka hadlayso xildhibaan Siciid cartan, waa kii aynu labadeennu wadnay oo reer Saaxil ahi, weliba adigu (Siciid) aad madaxtooyada iiga dhoweyd,”ayuu yidhi Xildhibaan Dayib Xasan.
Wasiirka Ganacsiga Iyo Malgashiga Cumar Shucayb Maxamed sharaf dhac ku sifeeyay hadalkii Xildhibaan Siciid Cartan oo ay isku gobol ka soo jeedaan, waxaannu yidhi; “Xildhibaan Siciid Cartan sharaf iyo karaamo uma aha inuu yidhaahdo xukuumad ma jirto, xaalad-abuur ayey noqonaysaa, sharciguna wuu qabanayaa. Waa sharaf-dhac in xildhibaan Siciid Cartan yidhaahdo dalka dawlad kama jirto, masuuliyiinta ka tirsanina waa biidhi-qaatayaal. Sidoo kale, Safiirka Imaaraadka Mr. Baashe Cawil Cumar waxaan u arkaa masuul xilkii uu ummadda u hayey ka soo baxay wax badanna u soo kordhiyey dadka iyo dalka Somaliland.”
Dawannews Hargeysa office