Masuuliyinta Wakaallada Xabkaha iyo Faleenka oo Iska Fogeeyay Eedo Loo Jeediyay

0
615

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Wakaallada  Xabkaha iyo Faleenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Jaamac (Carey) iyo  Ku-xigeenkiisa, Axmed Maxamed Xasan, ayaa iska fogeeyay eedo uga yimid qaar ka mida ganacsatada iyo oday dhaqameedka  gobolka Sanaag oo ku eedeeyay inay kooto ugu xidhayaan dhoofinta xabkaha ganacsato gaar ah. Waxaanay sidaas ka sheegeen shirjaraa’id oo ay si wada jira ugu qabteen magaalada Hargeysa khamiistii.

Maareeye ku-xigeenka Wakaallada Xabkaha iyo Faleenka, Axmed Maxamed Xasan, ayaa sheegay in Madaxweynuhu aasaasay wakaalladooda si loo badbaadiyo khayraadka dabiiciga ah ee loo xil-saaray waxaannu yidhi; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu wakaalladan magacaabay 8/6/2017,waxaana dawladdu u samaysatay inay dhirta ilaaliso, cashuurtana laga helo oo dhirtana ka ilaaliso dadka ama duunyada wixii dhibaateynaya, wakaalladii inay wax badbaadiso loo sameeyay ma nihin qaar  wax xumaynaya.”

“Waxaa naloo igmaday inaannu wax hagaajinno oo aannu  cashuurta dalka ilaalinno si aan beeyada, xabagta  iyo faleenka looga dhoofin meel aan ahayn dekedda Berbera  oo mararka qaar loo  tahriibiyo Boosaaso iyo Muqdisho,”ayuu yidhi Maareeye ku-xigeenku.

Waxa kaloo uu intaas ku daray  inay jiraan ganacsato liisammo sita oo is xaasidaya, kuwaasi oo eedeynaya Wakaallada;“Waxa jira dad ganacsato ah oo liisamo u sita inay dhoofiyaan beeyada  oo iyagu is xaasidaya,  waxaannu leenahay ciddii  wax innoo qabanaysa  waxba ha ka sheegina,”ayuu yidhi Maareeye-ku-xigeenku.

 

Maareeyaha Wakaallada Xabkaha iyo Faleenka, Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Carey), ayaa tilmaamay in wakaalladiisu ay dalka u  qabanayso kaalin bannaanayd oo muhiim ah, waxaannu yidhi; “Xabkaha iyo Faleenku waxay lahaayeen meel ay ku abtirsadaan xilligii burburkii waddanka ka dhacay xabkaha iyo faleenku waxay noqdeen qaar  agoomoobay oo aan lahayn meel ay hoos tagaan arrintaasina waxay keentay in la boobo oo sida haada qolo waliba sheegato in iyadu leedahay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply