Wasiirka Waxbarashada oo soo Saaray Wareegto Saamaynaysa 372 Arday oo Sharci Darro ah ku Fadhiyay Dugsiyada Sare

0
336

Hargeysa(Dawan)- Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere), ayaa soo saaray xalay wareegto uu ku faray  masuuliyiinta wasaaradaas inay ka hawlgalaan sidii waxbarashada looga joojin lahaa 372 arday oo wax ka barta dugsiyada sare ee Maxamuud Axmed Cali iyo Al-jasiira ee caasimadda Hargeysa, haddii aanay keenin shahaadooyinkii ay ka qaateen  dugsiga dhexe.

 

Wasiirku wuxuu wareegtadiisa ku bayaamiyey inay dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali ay sifo sharci darro ah ku dhiganayeen 217 arday, halka dugsiga Al-jasiira-na ay shahaado la’aan ku fadhiyeen dugsiga sare 155 arday, taasi oo wadarta ardayda sharci-darrada wax kaga baranayey labadaas dugsi ka dhigtay 372 arday. Wareegtadaas oo dhammaystirani waxay u qornayd sidan:-“Sida laga wada warqabo kormeero & baadhis joogto ah ayaa laga fuliyay Gobolladda Dalka JSL, kuwaasi oo lagu hubinayay tayadda waxbarashadda sanad-dugsiyeedkii 2015/2016/2017. Sida aynu wada ogsoonahay waxa wiiqay tayadda waxbarashadda arday aan soo-marin jaran-jaradii waxbarashadda ama dhacdayba oo haddana dugsiyadda sare iyo jaamacaddaha gala, loona ogolaado iyada oo aan wax shahaado ah lagu xidhin.

 

Haddaba, si ay wasaaraddu wax uga qabato arrintaasi waxa si rasmi ah loo gudo-galay sifaha ay ardaydu ku fadhiisato dugsiyadda. Kormeerkii guud waxa uu soo xaqiijiyay in ardayda dhiganaysay dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali fasaladiisa 1aad 2016/2017 ay dhammayd 295 (laba boql iyo shan & sagaashan) arday, waxa shahaado haystay oo la xaqiijiyay 170 (boqol iyo toddobaatan) arday oo keliya, waxana shahaado la’aan ku fadhiya 125 (boqol iyo shan & labaatan) arday. Sidoo kale isla dugsigaas ardaydiisa fasaladda 2aad iyo 3aad ee sannad-dugsiyeeka 2016/2017 waxa ay dhammayd 112 (boqol iyo laba & toban) waxa sharciyad ku fadhiyay oo keliya 20 (labaatan) arday, inta aan sharci ku fadhiyin ee aan imtixaankii horena ku jirin waxa ay dhammayd 92 (laba iyo sagaashan) arday.

 

Dugsiga sare ee Al-jasiira waxa fasalka 1aad ee sannad-dugsiyeedka 2016/2017 arday tiradoodu dhan tahay 120 (boqol iyo labaatan). Sida ay kormeerku soo xaqiijiyeen waxa sharci haystay oo keliya 26 (lix iyo labaatan) arday, halka ay sharci-darro ku fadhiyeen 94 (afar iyo sagaashan) arday. Dhinaca kale, ardayda fasalada 2aad iyo 3aad ee sannad-dugsiyeedka 2016/2017 waxa sifo aan sharci ahayn ku fadhiyey 61 (kow iyo lixdan) arday.

 

Ardaydani aan kor ku soo sheegnay ee aan sifo sharci ah ku fadhiyin dugsiyadda ujeeddada sare ku xusan markii laga baadhay go’aankii imtixaanka ee sannad-dugsiyeedkii 2014/2015 iyo 2015/2016 iyo kuwii ka horeeyayba, isla-markaasna sannad-dugsiyeedkani 2016/2017 kii ku fadhiistay shahaadad la’aan, waa laga joojiyay in ay dib uga mid noqdaan ardayda labada dugsi, ilaa inta ay keenayaan caddaymo loogu ogolaan karo ka mid noqoshada dugsiyadaasi iyo fasallada ay ku jireenba.

 

Haddii caddaymahaas la waayo, looma aqoonsana arday, wax xaquuq ah oo ay wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ku yeelanayaana ma jirto.

 

Xafiisyada ay khusayso ee wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare waxa la farayaa in ay ku camal falaan go’aankani, hubaal-celina ka keenaan helitaanka wareegtadani.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply