Guddoomiyaha UCID oo Xukuumadda ku Amaanay inay Hurtay Dhaqaalihii Doorashadda Madaxtooyada

0
360

Hargeysa (Dawan)-  Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbigaas,  Eng. Faysal Cali Waraabe,  ayaa  si adag uga hadlay farogalinta qaawan ee dawladda itaalka daran ee Soomaaliya  ay ku hayso Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu sheegay in madaxweynaheedu  ku mashquulsan yahay sidii uu Somaliland oo waddan nabdoon ah qas uga ridi lahaa,  isaga oo aan waddankiisaba gacanta ku hayn.

 

Guddoomiye Faysal , waxa uu  bulshada ugu baaqay inay qaataan kaadhadhka codbixinta si ay u gutaan xaqooda oo ay ciddii ay jeclaadaan ugu doortaan hoggaanka dalka.

Waxa kaloo uu xukuumadda Somaliland ku ammaanay siday u dhammaystirtay dhaqaalihii  loogu talogalay in lagu qabto diiwaangelinta iyo doorashadda madaxtooyadaba. ‘’Muqdisho waxaa fadhiya nin kaliya  oo ku mashquulsan awoodiisana  isugu geeyay  sidii uu Somaliland u shiiqin  lahaa kuna soo korey kacaankii Siyaad Barre la ogaa, kacaankaasi Somaliland wixii  uu baday nin aan gurigiisa qof ka dhimani ma jiro waxaannu doonaya inuu Somaliland qas ka rido oo uu qaybqaybiyo, warbaahintiinta Somaliland  inay qoraan wararkiisa uu Somaliland ku waxyeeleynayo maaha, ha qorina ayaan idin leeyahay wixiina wanaagsan qora.  Wixii  xun ee la innagu caayayo ha qorina, dawlad Soomaaliyeed ma jirto innaga ayaa sameyn doona waana meel lagu shaqeysto oo qarammada midoobey hoos taalla, Ergayga QM ayaa xukuma, awoodna malaha xaafadina xaafad uma wareegto Baybay ayay saaran yihiin kuwaasi ayaa leh wasiirro ayaannu iska dhigaynaa,”ayuu yidhi Faysal oo Sabtidii la hadlayay saxaafadda waxyar ka dib markii uu kaadhkiisa codbixinta ka qaatay xarunta Hay’adda shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi;  “Waan ku hambalyaynayaa dawladda oo bixisay kharaashaadkii doorashadda lagu galayay iyo komiishanka doorashooyinka oo iyaguna si fiican wax u wada wixii mad-madaw galana inaannu komiishanka isla meel dhigno ayaannu doonaynaa, maadaama  imika la gelayo doorashaddii iyo wakhtigii ugu kululaa.”

 

Waxa kaloo uu bulshada ku boorriyey inay qaataan kaadhadhkooda codbixinta, si ay madaxda ay doonaan ugu doortaan madaxtinimada waddanka, waxaannu yidhi; “Cod-bixintu waa mihiim  dadkuna  waa inay kaadhka qaataan, dadka waxaan leeyahay kaadhkiinna ilaashada waayo qof aan kaadh haysani ee aan coddaynayni waa qof aan muwaadin ahayn, waxaanad meel kaga dhacaysaa xuquuqdaada, maanta coddeynta gacantiina kaga ciil baxa inaad maalin kasta is qoomamaysan iyo inaad qoomamo ka baxdaan oo wax wanaagsan doorataan  gacantiina ayay ku jirtaa.”

Dawannews Hareysa office

Leave a Reply