Huteel Noocyada Cuntada Qaaliga ah Bilaash ka Dhigay

0
368

Dalka Maraykanka gobolka Colarado waxaa laga furay bishii October 20-keedii  sannadkii 2006-dii hudheel lagu magacaabo “So all may eat” qof kasta waxbuu ka cuni karaa . Hoteelkan  ayaa  la sheegay in aanu ahayn mid macaash laga rabo laakiin doonayo in bulshada loogu adeego.

Hodheelkan waxaa magaciisa loo soo gaabiyaa Same Café waxaana lagu maalgeliyay $30, 000 dollar, lacagataasi waxaa bixiyay labadan qof ee Brad iyo Libby Birky,  iyagoo sheegay inay doonayaan inay muujiyaan siday ugu heelan yihiin danta guud.

Hodheelkan oo raashinkiisu yahay mid ka nafaqo iyo tayo sareeya hodheelada kale ee qaaliga ah, haddana qofka kastoo yimaadda lagama qaado wax lacag ah  waana  bilaash gebi ahaan wixii  aad halkan ka cunto iyadoo weliba nooc  kastoo cunto ah laga helayo.

Hodheelkan  magaciisa loo soo gaabiyay  Same Café qof kasta wixii uu doono ayuu cuni isagoon lacag bixin, laakiin hodheelkan waxaa shardi ay ka dhigeen oo keliya in qof kastoo wax  ka cunaa uu hal saac ka sheqeeyo hodheelkan.

Si  uu isugu-na u dareemo  samafalka noociisa, maadaama uu dhergay oo aanay hayn wax haba yaraatee gaajo ah. Hodheelkan oo aad u camiran waxa xataa yimaadda dad aan waxba ka cunin oo u sheega inay doonayaan inay saacad ama laba saacadood hoteelkan bilaash kaga shaqeeyaan.

 

 

Leave a Reply