Masuuliyiin ka Baxay WADDANI oo ku Eedeeyay inuu u Afduuban Yahay Koox ka Cadhootay KULMIYE

0
414

Hargaysa (Dawan)- Guddoomiye Ku-xigeenkii Qaarada Yurub ee Xisbiga WADDANI,  Khaalid Xasan Diiriye  iyo Caasha Xuseen Maraykan oo ka mid ahayd xisbigaas,  ayaa iska casilay xilkii iyo xubinimadii ay ka hayeen xisbigaas mucaaridka ah.

Khaalid Xasan Diiriye  iyo Caasha Xuseen Maraykan oo shalay warbaahinta kula  magaalada Hargaysa,   ayaa  sheegay in ay iska casileen xubinimadii guddida fulinta  iyo golaha dhexe ee  xisbiga WADDANI, waxaanay naqdiyeen   kooxdii KULMIYE ee xisbiga WADDANI ku biiray kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay afduubeen xisbiga WADDANI.

 

“Waxaan   caddaynayaa anigoo ahaa   guddoomiye ku xigeenkii  qaarada Yurub ee xisbiga WADDANI inaan gabi-ahaanba  iska casilay   xilkii  iyo xubinimadii golaha dhexe ee xisbiga,sababo badan ayaan isku casilay muddo kooban   ayaan   dalka joogay  nasiib darro, markii aan dalka imid waxaan la kulmay xisbigii  WADDANI ee muddada dheer aan ku soo jirnay  wuxuu  u  afduuban yahay koox xukuumadda ka soo cadhootay,  waxaanay si cadhaysan u afduubeen guddoomiyihii xisbiga oo siyaasadda ay wataan noqotay   Muuse Biixi aynu  ridno, annagana way nala noqon wayday in shacabka Somaliland ka iibinno Muuse  aynu ridno,siyaasadana waanu sii wadaynaa waxaannu ku biiri doonaa xisbiyada kale,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenkii Qaarada Yurub ee Xisbiga WADDANI,  Khaalid Xasan Diiriye  oo shalay shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa.

 

Caasha Xuseen Maraykan,  ayaa iyaduna    sheegtay in ay ka baxday xisbiga WADDANI iskana casishay xubinimadii   gudidii fulinta iyo golaha dhexe ee xisbigaas, waxaanay tidhi; “Waxaan caddaynayaa inaan ka baxay xisbiga WADDANI, iskana casilay  guddidii fulinta golihii dhexe iyo xubinmadii xisbigaba.  Waxaa  xisbiyada loo sameeyay marka aad garan waydo xisbi in aad mid kale ku biirto Somaliland waa geed xisbiyaduna waa laamo ka baxay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply