Wasiirka Daakhiliga oo Beeniyay in Siyaasad Loo Xidho Masuuliyiin ka Tirsan Mucaaradka

0
370

Hargeysa(Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa waxba  kama jiraan ku tilmaamay hadallo maalmihii u dambeeyay ka soo baxayay masuuliyiinta asxaabta mucaaridka ah oo sheegay in ay jiraan tallaabooyin lagu cabudhinayo iyo xadhig ay ku andacoodaan  in si joogto ah loogu hayo oo lagu xidh-xidho masuuliyiin kala duwan oo ku kala sugan degmooyinka iyo gobollada dalka qaarkood.

Waxa kaloo oo uu intaa raaciyay in Somaliland ay tahay dal dimuquraadi ah oo caalamka horumaray xataa kaga wanaagsan xorriyadda hadalka iyo cabirka afkaarta qofku uu aaminsan yahay taasoo uu xusay in uu garan karo oo keliya qofka caalamka soo arkay ee dunida dimuquraadiyadda ku faanta dalalkooda tegay siday u dhaqmaan iyo siday Somaliland ugu dhaqanto.

 

 

Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi kooban oo uu xalay siiyay wargeyska Dawan. Wasiirka oo ka hadlayay eedaha mucaaridka ee la xidhiidha in saraakiil ka tirsan xisbiyadooda la xidho, waxaannu yidhi; “Somaliland waa dal dimuquraadi ah oo waliba kaga wanaagsan ku dhaqanka dimuquraadiyadda iyo xorriyadda hadalka dalalkii dimuquraadiyadda samaystay, taana waxaa ogaan kara oo garan kara oo keliya qofka caalamka dimuqraadiyada ku faana ee Maraykan iyo Yurub ay ka mid yihin soo arkay siday ugu dhaqmaan iyo sida ay Somaliland uga hanaqaaday ee ay ugu dhaqanto,Somaliland waa dal ay ka jirto xorriyadda  hadalka iyo cabirka fikirkisa gaar ahaaneed  iyo ka xisbiyeeda,taas ayaana  u sabab ah in markasta mucaaradku ay siday doonaan u hadlaan oo ay sheegaan waxyaabo aan dalka ka jirin,qofkuna dambiile isagoo xisbi mucaarid ah ku jirana wuu noqon karaa isagoo muxaafid ahna wuu noqon karaa, taana looma eegayo waa xisbi hebel oo muraarad isagoo ahna lagu xidhi maayo isagoo muxaafid ahna lagu deyn maayo ee sharciga waa loo siman yahay,dalkana kamay dhicin in xadhig siyaasi ah cid loo xidho oo loo soo qabto fikir xisbi mucaaid ahi aaminsan yahay, laakiin haddii qof dambi galay ama eedaysane ah la xidho maaha in laga dhigo in xisbi gaar ah la xidhay.”

 

Wasiir Faratoon oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Ka xukuumad ahaan asxaabta qaranku waxay noo wada yihiin asxaab qaran,  haddaanay sharci  ahayna ma bay furnaadeen oo may jireen sidaa darteed, ayay sharciga dalka ugu siman yihiin, una yihiin asxaab qaran astaamahooda iyo xafiisyadooduna waa sharci wax kasta oo  sharcigu u ogolyaayna way helayaan hadday mucaarad yihiin iyo hadday muxaafid yihiinba.”

“Hase ahaatee wixii sharcigu ka reebo midna u ogolaan mayno. Marar ayay dhacdaa in ay taageerayaasha asxaabtu in ay iyagu isku eedeeyaan calan baa la dejiyay iyo xafiis baa la shiiday, laakiin wax dawladdu midna ka aqbalaysto taasi maaha,”ayuu yidhi wasiirku.

 

Wasiirka oo wax laga waydiiyay wuxuu kaga jawaabayo dagaalkii dhawaan ku dhexmaray beelaha walaalaha ah deegaanka Dararweyne  oo soo noqnoqoshadiisa mucaaradku Xukuumadda ku eedeeyay,waxaannu yidhi; “Su’aashaa aad i waydiisay waxay ka mid tahay dimuquraadiyada ka jirta Somaliland iyo hadalku in qofku iska hadli karo, dawladda ayaa dagaalka soo noqnoqoshadiisa ka dambaysa cidda tidhi dunida meelaha qaar imika jeel ayay ku jiri lahayd, laakiin waxaan u sheegayaa oo qudha in warkaasi uu been yahay dawladdu waxay ku mashquushaa oo ay ku hawlgashaa oo ay ku dhaqanaa wixii danta dalka iyo dadka ah,taasina waxay ku jirtaa nabadgelyada iyo samo ku wada noolaanshaha oo laga shaqeeyo iyo dhibaato kasta oo dhacda ka hawlgalkeeda.

Markii horena wakhti badan ayay dawladdu gelisay nabadaynta labadan beelood ee isku noosha ah markan ay dhib dambe   dhacdayna  maalintii koowaad ee ay isku dhaceenba waanu ka gurmanay wax dambena may dhicin, Xukuuadduna  way joogtaa oo ciidankii qaranka, booliskii iyo  maamulkii  heer gobol iyo degmo ayaannu markiiba hawlgalinay wax dambena may dhicin.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply