Wasiirkii Hore ee Xidhiidhka Goleyaasha oo Xilka ku Wareejiyey Madal la Iskugu Duur-xulay

0
391

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka cusub  ee Xidhiidhka Goleyaasha qaranka, Tignoolajiyadda iyo cilmi baadhista Axmed Xaaji Daahir Cilmi, ayaa shalay xilkii kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradaas Cali Xaamud Jibriil.

Munaasibadda xil wareejinta labadda wasiir oo ka qabsoontay  hoolka shirarka ee wasaaradda arrimaha gudaha, waxaa ka soo qayb galay  wasiirka wasaaradda  boosaha iyo is-gaadhiisnta, wasiiru-dawlaha amniga ee wasaaradda  arrimaha gudaha, wasiir ku-xigeenka  warfafinta,  agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha  iyo masuuliyiin kale.

Labadda wasiir ee xilalka la kala wareegayay ayaa intii ay xafladu socotayw axay is-dhaafsadeen hadallo duur-xul oo isugu jiray kafdan  siyaasadeed, mid qaraabo-nimo, xidid-nimo iyo  erayo aad u culus oo ka qosliyay   masuuliyiintii iyo dadweynihii kale ee xafladaasi joogay.

Wasiirkii hore ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka, Tignoolajiyadda iyo cilmi baadhista Cali Xaamud Jibriil, oo hadal ka jeediyay munaasibadii uu xilka ku wareejinayay ayaa ka  xilka uu wareejinayay ku tilmaamay in uu yahay mid amaanno ah, isla markaana masuulka markii la doono uu madaxweynuhu ka qaadi karro.

Waxaanu  madaxweyne Siilaanyo uga maahd celiyay xilka uu markii hore u magacaabay in uu hadana mar kale qaado, isagoo ka sheekeeyay  taariikh dheer oo wada shaqayneed in ay   madaxweyne Siilaanyo soo yeesheen  ilaa wakhtigii la aasaasay  xisbiga Kulmiye.

 

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xilku waa amaano, amaanadda waa in aad xafido.  Marka keen  lagu yidhaahdana  waa in aad sideedii u wareejiyo.  Waayo amaannadu ma aha wax aad leedahay. Waxaan maanta hortiina si rasmi ah   xilkii iyo amaannadii  uu  ii dhiibay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland  ku wareejinayaa  mudane Axmed xaaji Daahir Cilmi. Madaxweynaha oo laba jeer xil ii magacaabay,   aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa,  oo aan la soo shqaynayay muddo fara badan oo ah ilaa markii xisbiga Kulmiye la aasaasay, sanadkii 2002-dii.

Xisbiga Kulmiye anigu waxaan ku biiray markii dalka UK  (Ingiriiska) lagu  aasaasay  sanadkii 2002-dii. Afar iyo tobankii qof ee gudiga Kulmiye  ee u horeeyay ayaan ka mid ahaa, waxaana guddoomiye noo ahaa  nin imika Ingiriiska xanuun u jiifa oo la yidhaahdo Maxamed Yoonis Cawaale. Aniga iyo madaxweynuhu waan is-naqaanaa, muddo dheer baan  is-naqaanay, ma kala fogin,  waanu wada joognaa.”

 

Sidoo kale wasiirkii hore ee xidhiidhka goleyaasha waxa uu  ka hadlay in rag ay xiligii uu xisbiga Kulmiye mucaaridka ahaa   siyaasad ahaan aad u dhaliili jiray madaxweyne Siilaanyo  oo ay ka mid yihiin  wasiirka isaga shalay xilka  kala wareegay iyo masuuliyiin kale oo hadda xukuumadda  Kulmiye ka tirsanba in ay hore u ahaan jireen kaaderiyiintii xisbigii bur-buray ee UDUB.

Isagoo  tilmaamay  in uu aad ugu faraxsan yahay  in ay hadda isugu yimaadeen  xisbigii iyo  madaxweynihii ay   eedayn jireen iyadoon  laga daawaynin ama wax kiniin ah aanay ka liqin  colaadii iyo dhaliilihii ay u hayeen.

 

“Waxaan maanta aniga la iga waaninaynin ama la ii sheegaynin  mabda’ii aan madaxweynahayga ku raacay, oo inta maanta (shalay) halkan (xafladda) fadhida oo markii hore UDUB ahayd-ba in ay maanta mabda’aygii soo galeen aad iyo aad ayaan ugu farax sanahay,  oo aad maanta iigu timaadaan madaxweynihii dhisayay, ee aad  caayayseen, ee aad weerarayseen  idinkoon badhkiina Kiniinno liqin, in aad maanta iigu timaadaan  maalin ay iiga farxad badan tahay  ma jirto, mar haddii aad iigu timaadeen”ayuu yidhi Cali Xaamud Jibriil.

 

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Anigu ma dhaqaaqin, halkaydii ayaan joogaa, waanan joogi jiray, waanan joogayaa, waanan joogi doonaa. Waxaan idinku waaninayaa in aydaan idinku Kulmiye ka leexan,  oo aad halkaa kaga haysaan.  Waanan ku faraxsanahay in xisbigu balaadho, oo intii mabda’iisa diidanayd  ay maanta soo gasho oo ay na hor socoto,  oo aad na nasisaan, aad baan  ugu faraxsanahay.”

 

Cali Xaamud, ayaa hadalkiisa ku soo geba-gabeeyay hadallo kaftan ah oo ugu duur-xulay wasiirka cusub ee xilka kala wareegay, isagoo ku sifeeyay in marka loo eego wakhtiga kooban ee xukuumadda u hadhay muddo xileedkeeda ay la mid tahay  heestii riwayadda ugu danbaysay.Waxaannu  yidhi “Magaaladda Boorama oo aan ku dhashay, kuna  koray berigii aan joogi jiray  ee aan   yaraa, riwaayadaha ayaan geli jiray (daawan jiray), riwaayadda marka la gelayo dakdu tigidhadda ayay goostaan,  waana la daawadaa. Riwaayadda  markay heesta ugu danbaysaa socoto, ayay dadku  wada kici jireen, kadib-na markay dakdu wada kacaan ayaa askariga al-baabka joogaana, dadkii markii hore awoodi waayay in ay tigidhka goostaan  ee bannaanka dhaxantu ku laysay ay soo galaan,  markaas ayaa dadka  yarro qab-weyni ay  baxaan, oo waxay isa-soo dhaafa dadkii kale.

Markaa maanta waxaan leeyahay waa   intii u danbaysay,   aad ayaan xukuumadda ula soo kifaaxay, xisbigaygiina waan u madax banaanahay,  waanan sii dhaafayaa, waxaanan leeyahay wasiirka cusub ku soo dhawoow, waa heestii u danbaysay ee riwaayadda.”

 

Dhinaca kale wasiirka cusub ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha, tignoolajiyadda iyo cilmi baadhista Axmed Xaaji Daahir Cilmi, oo isna hadal ka jeediyay munaasibadii uu xilka kula wareegayay ayaa  ka gaabsaday in uu jawaab la  mid ah ka siiyo hadallo uu madasha ka jeediyay wasiirka uu xilka kala wareegay.

Waxaanu Axmed Xaaji Daahir,  sheegay  in wasiirka uu xilka kala wareegay ay  isku beel yihiin, sidoo kalena ay xidid yihiin  oo ay waxyaabo badan yihiin. Isagoo xusay  in wixii hadda ka danbeeya siyaasad ahaan iyo isku mawqifba ka yihiin sidii xisbiga Kulmiye  uu mar kale talladda dalka ugu guulaysan lahaa.

 

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Cali Xaamud (wasiirkii hore), wax badan ayaanu isku nahay.  Waa  mide marka hore waa nin aanu ilma-adeer nahay,  mar labaad-na waa nin aanu xidid nahay.   Taana waxaan ka odhanayaa dee mar haddii aanu  xidid nahay, oo uu carruurtayda Abti ruma u yahay,  hadalkaygu wuxuu ku macaan yahay  in aan wanaaga ka sheego. Cali waan aqaanay, waxaanu nahay  dad isku raas ah, nin ilma Xaamud ah ayuunbaan aniguna ka mid ahay,  oo nin aan ka fogahay ma aha, mar haddii uu carruurtayda Abti ruma u yahay, dee wixii uu yahay ayuunbaan ahay.

Haddii aad noo ahayd hormoodyadii xisbiga  Kulmiye weliba reerkayaga  jufadayadda hoose  aad adigu noogu jirtay, haddii aanu kuugu nimid Kulmiye  waxaa fiican in aad ku xamdidid uun.”

Waxa kale oo uu ka hadlay xilka wasiirnimo oo loo magacaabay xili uu gabaabsi ku dhawyahay muddo xileedka xukuumaddu.    “Xil wareejintan maanta  (shalay)   anagu maanaan keenin,  ee waxa keenay wakhti iyo nasiibkaa keenay, waxa kale oo ka sii wanaagsan  tii Cali (wasiirka  hore) waday  in aan anigu-na  ka sii daba waddo intii u dhinayd, muhiimaduna ay tahay  ololaha soo socda sidii aanu uga saari lahayn xisbiga Kulmiye, una soo noqon lahaa mar danbe  ee aniga iyo Cali-na aanu isugu iman lahayn.

Cali, waxaan mar labaad ku boorinayaa kaama maarano xisbi ahaan, reer ahaan  iyo doc ahaan in aad is-garab orodno, oo aan  is-garab joogsano,  kaagama maarano. Sidii aan kuu daba-taagnaa imika lafteeda, ee aan oday kuugu ahaa,  maanatana adigu Innankii noqo dee.  Wixii baylahay iyo wixii baaba’ayba intaad ka og tahay iyo inta aad ka cabanaysid-ba, hoos-na waad iigu sheegi, anna waan sii gudbin doonaa” ayuu yidhi Wasiir Axmed Xaaji Daahir.

 

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland oo maanta aniga iyo inta   kale ee aanu UDUB isla ahaan jirnay, ee aanu madaxda sare isla ahaynba,  dimoqradiyadda ka dhigay ee haddii ay maalin ka hadhay iyo haddii ay saddex ka hadheen-ba  doorashadda, aniga waa ii shafar iyo karaamo,  in magacu dib u soo noqdo oo la I yidhaahdo  Axmed  ayaa idinla hadlaya.”

 

Ugu danbayn wasiirka cusub ayaa balan ku qaaday in ay  in uu wasaaradda   hawlaheeda shaqo balaadhin  doono intii tamartiisa ah, isla markaana uu dad aqoon  leh keeni doono. Waxaanu yidhi  “Waxaan balan ku qaadaynaa wasaaradan in aanu balaadhino, waxay leedahay cilmi baadhis (Research) dadkeedii ayaa loo dooni aqoonta u lahaa, wixii laga qaban karayo ayaana laga qaban, intii tamartayadu tahay ayaanu wadaynaa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply