Wuxuu ka Tegay Iyada oo La Jecel Yahay!

0
363

Maamulihii hore ee  shirkadda dayuuyaradaha Japan Air Lines (Jal) Mr. Haruka Nishimatsu oo xilkaasi hayay sanadihii 2006-dii  ilaa   2010kii ayaa mushaharkiisa hoos u dhigay si uu u noqdo mushaharka ugu yar ee uu qaato masuul noocan oo kale ahi dunida. Maamulahan mudadii uu xilkaasi hayay  ma iibsan gaadhi uu shaqada ku yimaado  waxaanu adeegsan jiray  gaadiidka caadiga ah  ee ay raacaan dadweynuhu  sida Basaska iwm.

Waxa  kale oo uu dhaqan u lahaa in marka shaqaalaha shirkadu  maalintii ay hodheelka shirkadda Jal ka qadaynayaan inuu isagu is taago halka ugu danbaysa oo uu jeclaa in shaqaaluhu dhamaadaan kadibna isagu qaato raashinkiisa. W
aana arrin shaqaaluhu ku barteen. Markii uu shaqada ka tegay aad ayay shaqaaluhu uga xumaadeen iyagoo  dareemayay sidii fiicnayd ee uu ula dhaqmi jiray. Waxayna sheegeen inay weligood xusuusan doonaan.

Leave a Reply