Baalshle Madaxweyne Noqday!

0
442

Wuxuu ka dhashay qoys sabool ah waxayna qol yar ka deganaayeen xaafadaha qoysayska faqiirka  ah ee magaalada  São Paulo  halkaasi oo ay ku badnaayeen dadka maandooriyaha isticmaala.

Hooyadii ayaan korintiisa qayb weyn ka qaadatay waxaana uu qiray arinkaasi isagoo yidhi “Hooyaday waxay I bartay sidii aan meel are u gaadhi lahaa angoo naftayda qadarinaya, taasi oo iyana keenaysa inay dadka kale I tixgeliyaan”.

Wiilkan yar ayaa tacliinta bilaabay isagoo aad u da’ yar, laakiin markii uu gaadhay fasalka 5aad ayuu joojiyay waxbarshadiisa sababo dhinaca dhaqaalaha oo qoyskooda wehel u nqoday.

Wakhtigaasi ayuu ka bilaabay shaqada baalshle kabaha masaxa  magaalada São Paulo  ee dalkiisa, isagoo shaqadaasi waday muddo

Waxa mar danbe uu shaqo ka helay kaalin shidaal, waxaana uu uga wareegay darawal iyo inuu noqdo makaaniga gaadiidka oo uu bartay, waxa kale oo uu ka ganacsan jiray khudaarta. Intaasi wixi ka danbeeyay wuxu ku biiray shaybaadhka macdanta lagu barto oo lagu magacaabo Face Matra, waxaana uu ku jiray muddo 3 sano ah.

Markii  ay da’diisu ahayd 19 sano waxa go’day faryarada gacantiis bidix isagoo ka shaqaynayay wershad dayactirta gaadiidka. Ninkaasi halganka nolosha soo galay waa madaxweynihii hore ee dalka Baraasiil Mr. Lula da Silva iyo sida uu horumarka noloshiisa ugu soo sameeyay, sabool, baalashle ilaa heer madaxweyne.

Markii uu ka dhamaaday wakhtigii uu xukunka dalkaasi hayay, shacabka iyo baaralamanka dalkaasi waxay diideen inuu xilka ka dego iyagoo codsaday  in wax laga bedelo shuruucda dalka si uu talada dalka u sii hayn laha laakiin taasi isaga ayaa diiday isagoo ilmaynaya.

 

 

Leave a Reply