Wakaaladda Biyaha iyo Gudidda Booyaha Hargeysa oo Beeniyay in La Kordhiyay Qiimihii Biyaha

0
395

Hargaysa  (Dawan)-  Maareeyaha Wakaaladda Biyaha   Hargaysa, Badhasaabka gobolka Maroodijeex  iyo gudidda booyadaha ee biyaha u dhaamiya xaafado ka mid ah magaalada Hargaysa  ayaa si wadda jir ah u beeniyay in booayah biyuhu ay kor dhiyeen qiimaha biyaha.

Mareeyaha  wakaalada biyaha Hargaysa Maxamed Cali Daarood,    guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Cabdilaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale),     iyo gudidda booyadaha Hargaysa   oo shalay si wada jir ah  shir jaar’id ugu  qabtay xarunta wakaaladda biyaha  Hargaysa, oo kulan yeeshay  waxay  ka wada hadlay   sidii hoos loogu dhigi lahaa   qiimo  kordhin ay sameeyeen booyadaha biyuhu.

 

Waxaanay  cadeeyeen  maareeyaha wakaaladda biyaha iyo badhasaabka gobolku  in gudidda  booyadaha biyaha Hargaysa u soo dhaamiya  ay ka wada hadleen sidii ay u beenin lahaayeen qiimo kordhin la sheegay  in ay ku   sameeyeen biyaha ay  qoysaska ka iibiyaan.

 

Mareeyaha wakaalada biyaha  Hargaysa Maxamed Cali Daarood,  ayaa  sheegay in aanay jirin qiimo kordhin  ay biyaha  ku kordhiyeen booyaha biyaha Hargaysa. waxaanu yidhi “Waxaan doonaynaa in aan ka hadalno arrimo isa soo tarayay oo ah booyadaha biyaha Hargaysa keena oo kordhiyay   qiimihii biyaha.   Waxaanan  arrintaa  ka wada hadalnay   ururka  booyadaha  ee Hargaysa,   sidii arrintaa wax looga qaban lahaa.

Wakaaladda  biyaha ee Hargaysa iyadaa ka masuul ah  biyaha,    waxaana  jira wada shaqayn ka dhaxaysa gudidda  booyadaha iyo wakaaladda biyaha Hargaysa.iyo sidii aanu ula socon lahayn sidii biyaha ay keenayaan u noqon la hayeen kuwo shacabku  awooodi karaan,   oo ay   iibsan karaan.

Waxaanay  wakaaladda biyuhu  Kabtaa cashuurta wada marista ee booyahaha,  wakaaladda biyaha wax  lacag ah  oo  ay kordhisay ma jirto,  kaalmuhuna ma kordhin  karaan qiimaha biyaha,  waanan  daba-geli  doonaa ka wakaalad ahaan.”

 

 

Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Cabdilaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), oo isna halkaa ka hadlay   ayaa  ku eedeeyay  biyooleyaasha Dameer-leyaaasha  ka ganacsada biyaha in ay saaraan qiimo badan biyaha ay ka soo iibsadaan kaalmaha biyaha.

 

“Kaalmaha  biyuhu   Dameeradda waxay  ka qaadaan   1700 oo shillinka Somaliland sh,   xaafadaha-na waxay ka qaadaan 20,000 kun oo shillin,   dadweynaha waxaan leeyahay haka aqbalina 1700 ayaa laga soo sii yaaye.

Waxaanan  leeyahay Dameer-leyaasha ka daaya qiimaha waxa sii’idka  ah ee aad saaraysaan biyaha” ayuu yidhi badhasaabka gobolka Maroodijeex.

Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay mid ka mid ah gudidda booyadaha biyaha Hargaysa u soo dhaamiya,  waxaanu soo jeediyay in wax laga qabto wixii  tabasho ah ee ay qabaan bulshadu oo ay ugu muhiimsan tahay waddo xumo haysta booyadaha biyaha keena magaalada Hargaysa.

 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply