Cirro oo Macasalaamaynaya Golaha Wakiiladda iyo Murrashaxiinta u Ordaysa Xilkiisii

0
382

Hargeysa(Dawan)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Md: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa maanta si rasmiya iskaga casilaya Xilka guddoomiye iyo xubinimo ee Golaha Wakiillada .

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee aqalkaas  Dr Cali Yuusuf Axmed, ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in guddoomiye Cirro uu maanta bannaynayo xilka guddoomiyenimo ee golaha waxaannu yidhi “Shir guddoonku maanta (shalay) ayuu ka shiray waxaan isla garanay in guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi uu maanta keenay warqadisii is casilaada sababtaas ayaa laysku yeedhay Xildhibaanadda.”

 

 

Xoghayaha Golahaas Mr. Cabdrisaaq Siciid Ayaanle, ayaa Saaxafadda u akhriyey warqad kasoo baxay Xafiiska guddoomiye Cirro , waxaana Xildhibaannada loogu baaqay inay kulan degdeg ah iskugu yimaada maanta 9:00 subaxnimo;  “Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland waxa uu ogaysinayaa Mudanayaasha golaha Wakiillada in Maanta oo ay bishu tahay 2.08.2017 uu jiro fadhi muhiim ah 9:00 subaxnimo , Mudanayaal waa laydku adkaynaa in aad kasoo qayb gashaan fadhigaa.”

 

Guddoomiyaha Xilka golaha wakiillada nabadgelyeynayaa oo wax laga waydiyey sababta uu iskugu yeedhay Xildhibaannada waxaannu ku  gaabsaday inuu golaha siinayo  warbixin muhiim ah islmarkaana uu ka jawaabo Su’aal la xidhiidha Sababta uu xilka u banayn waayay oo Saxaafaddu marar waydiisay waxaanu yidhi “Waxaan iskugu yeedhay Mudanayaasha golaha Wakiillada si aan warbixin Muhiim ah u siiyo Su’aal Saxafaaddu marar i waydiisayna aan jawaabteedii u siiyo , waxaan jeclahay in aan go’aankayga ka ag-sheego Xildhibaaanadda.”

 

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa golaha wakiillada guddoominayey muddo laba iyo toban sanno ah waxaana buuxinta bedelka booskaasi uu banaynaayo  ugu cadcad guddoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha Md: Baashe faarax iyo Xildhibaan Saleebaan Cali Koore

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply