Safiir Cali Shoombe oo Shaaciyay inuu Albaab Walba u Garaaci Doono Masaalixda Somaliland

0
393

Addis Ababa(Dawan)- Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ee Itoobiya, Cali Salaan Jirde (Shoombe) ayaa shaaca ka qaaday inuu albaab walba garaaci doono, xitaa kuwa ka soo horjeeda qaddiyada madax-bannaanida Somaliland, kula  yeeshay safiirka  dalka Marooko u fadhida Itoobiya.

Safiir Cali Shoombe ayaa ka qaybgalay munaasibad maalinta Boqortooyada dalka Marooko oo Safiirada waddanka Marooko u fadhiya dalka Itoobiya, Amb. Marwo Nezha Alaui Mohamadi si rasmi ah ugu soo casuumtay doraad, caasimada Addis Ababa.

Munaasibadaa oo weriye Maxamuud C. Walaaleye oo ka tirsan bahda Dawan weydiiyey  Amb Cali Shoombe ayuu ku jawaabay,“Munaasibadu waxay la xidhiidhay sannadguuradii 18aad ee Boqortooyada dalka Marooko, waxaanan ku tegay casuumad rasmi ah oo safiiradooda Itoobiya noo soo gudbisay.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyey.

“Waxaan safiirada dalka Marooko, Amb Nezha A. Mohamadi ka wada hadalnay heerka siyaasad iyo dhaqaale ee dalku marayo, dareenka shacbiga JSL iyo sida beesha caalamku u duudsiga ugu hayso, xuquuqda madaxbanaanida shacabka Soomaalilaand.”

Safiir Cali Shoombe oo la weydiiyey jawaab Safiirada dalka Marooko ka bixisay ayaa ku jawaabay,

“Waxay ka mahadcelisay JSL ka soo qeybgalka munaasibada lagu casuumay. Laakiin, qadiyada madaxbanaanida Soomaalilaand albaab walba waan u garaacaynaa, xitaa kuwa inna diidan,”

Intii munaasibada maalinta Boqortooyada dalka Marooko socotay, waxuu sheegay Safiir Cali Shoombe inuu kulamo la yeeshay safiir ku xigeennada Denmark, Jarmalka iyo xoghaya labaad ee safaarada Maraykanka.

Dalka Marooko oo ka mid ah wadamada diidan madaxbanaanida wadamada cusub, maadama ay jiraan xoogag u halgama madaxbanaani ay ka helaan, ayaa gaadhsiinta qadiyadeenu qeyb ka tahay talaabooyinka iyo dedaalada Wasaarada Arr Dibedda iyo xukuumada Soomaalilaand ugu jiraan inay beesha caalamka gaadhsiiyaan qadiyadda madaxbanaanida shacabka doonayaan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply