Dalka Sweden Oo Laga Dhisay Biriijka Ugu Dheer Caalamka

0
401

Dalkaasi Sweden ayaa laga hirgeliyey biriijka ugu dheer caalamka, kaas oo loogu talo galay socodka dadka, sida lagu daabay wargeyska Sweden Times oo ah mid kazoo baxa dalkaasi uuna kazoo xigtay warbixintan wargeyska Dawan.

Biriijkan ayaa dhererkiisu gaadhayaa ama joogiisu ilaa 80 meter oo ka saraysa dhulka, waxaana lagu magcaabaa Charles Kwonen, iyada oo mashruucani yahay kii ugu balaadhnaa ee lagu bixiyo dhismeyaasha dalkaasi.

Balaadhka biriijkan ayaa gaadhaaya ilaa 65 centimeters , iyada oo ay isku xidhayso  magaalooyinka Grahyn iyo Tsermat, iyada oo uu noqonaayo biriijka ugu dheer ee caalamka waqtigan, waxaana lacagta ku baxday noqonaysaa ilaa 730,000 oo lacagta Sweden ah, taas oo u dhiganta 750,000 oo Dollar-ka Maraykanka ah.

Waxa tijaabadii ugu horeysay lagu sameeyey Biriijkan 29 July ee sannadkan oo ahaa maalmihii ina dhaafay, iyada oo ay dad badan oo reer Sweden ahi u dalxiis tageen Biriijkaasi .

 

 

Leave a Reply