Daarsad Iftiimisay In Lafaha Ay Dhisto Kubadda La Ciyaaro Xilliga Caruurnimada

0
385

Daraasad cusub oo ay sameeyeen khubaro ka socotay jaamacadda Exeter British University  ee wadankaasi Ingiriiska ayaa lagu ogaadey in kubada oo la ciyaaro xiliga caruurnimada ay keento inay lafuhu koraan.

Sidoo kalena khubaro badan oo dhan caafimaadka ah ayaa iyaguna cadeeyey  in jimicsiga la sameeyo xiliga caruurnimada uu  faa’iido badan u lee yahay  jidhka, sidoo kalena uu koriyo carjawda lugaha iyo gacmaha.

Waxa kale oo ay intaas ku dareen inuu ka hortago xanuuno badan oo dadka ku dhaca, saamayn badana ku yeesha.

Khabiir kamid ah khubaradii daraasadan waday oo u waramaayey wargeyska Daily Mail oo uu warbixintan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in intii ay daraasadan wadeen tijaabooyin ku sameeyeen caruur ama dhalinyaro da’doodu  gaadhayso 12 sanno jir ilaa 14 sanno jir, kuwaas oo sida uu sheegay ay u kala qaybiyeen laba kooxood, kooxahaas oo midi ahayd mid ciyaartoy ah  iyo ta kale oo ahayd mid iska fadhida oo aan wax jimicsi ah samayn.

Markii daraasadaasi dhamaatay waxa uu sheegay inay ogaadeen in caruurta samaysa jimicsigu ka kori og yihiin kuwa aan jimicsiga samayn ,sidoo kalena lafo ahaan ay ka dhisan yihiin kuwaas iska fadhiya ee aan waxba qaban .

Waxa kale oo ay sheegeen khubaraddani in ay ogaadeen in caruurta samaysa jimicsigu ay ka caafimaad badan yihiin kuwa aan samayn ,iyaga oo ka bad baada xanuuno badan oo ay kamid yihiin xanuunada wadno xanuunka, khal khalka ku yimaada dheecaanada jidhku soo daayo, xanuunada sambabada ku dhaca, macdanta oo jidhka ka yaraata, soo daynta macdanta Calcium ta ee koritaanka lafaha ka qayb qaadata.

Dhakhaatiirtan ayaa inta badan kula talisa dhalinyaradda inay sameeyaan jimicsiyo kala duwan, kuwaas oo ay kaga bad baadi karaan isticmaalka daroogooyinka iyo maandooriyeyaasha.

Leave a Reply