Edna Aadan oo Bulshada Somaliland ka Dalbatay in Lagu Garab-galo Xilka Loo Magacaabay

0
425

Hargaysa (Dawan)  Marwo Edna Aadan Ismaaciil ayaa soo dhawaysay xilka dhawaan  madaxweyne Axmed Siilaanyo  u  magacaabay ee     Ergayga gaarka ee wadahadalka  u dhaxeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.

Marwo Edna Aadan ayaa  sheegtay in sharaf u tahay in madaxweyne Siilaanyo u magacaabo  xilka culus  ergayga gaarka ah ee wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya,waxaanay codsatay in in lagu garab istaago masuuliyadaas qaran ee madaxweynuhu u igmaday.

“Waxa sharaf ii ah in dhawaan madaxweynaha Somaliland ii  magacaabay oo xil culus oo ah ergayga  wadahadalka  dalka  Somaliland iyo   Soomaaliya ee aynu jaarka nahay,waxa laga yaabaa in dad aan fikirayni yidhaahdaan gabadhaasu dhex dhexaad maaha oo Somaliland ayay aad u jeceshahay waxaan ku galayaa xilkaa  la ii magacaabay ixtiraamka dalkayga iyo ummaddayda Somaliland,”ayay tidhi Ergayga cusubi.

Edna Aadan waxay ku dooday inay ka nasiib badan tahay masuulka dhigeeda ah ee Soomaaliya soo magacaaban doonto, waxaanay tidhi; “Gar-darro wax innoogu raadin maayo, gardarana  waxba la igaga qaadi maayo,  waddankeenna Somaliland cidna hadyad u siin mayno.

waxaan qabaa in aan ka nasiib badan nahay qofka la iga horkeenni doono ee Soomaaliya ka socda,waxaanan doonayaa in aan idin kala dardaarmo in aydaan iga shakiyin, waxaan doonayaa in aad i taageertaan oo igu taageertaan talaabooyin wanaagsan oo aan tuso adduunka oo u sheego dalkayga Somaliland  waxaana aynu wada nahay safiirro waxaanan difaacaynaa dalkeenna oo aynu wanaag ku difaacayno.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply