Madaxweyne Siilaanyo oo Xilkii ka Qaaday Hanti-dhawrihii Guud ee Qaranka

0
344

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xalay xilkii ka qaaday  Hanti-dhawrihii Guud ee Qaranka, Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim (Maxamuud Dheere). Waxaanu faray inuu xilka ku wareejiyo inta uu cid kale u soo magacaabayo Ku-xigeenka Hanti-dhawraha Guud.

 

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyada, Eng. Xuseen Aadan Cigge (Dayr), waxaana digreetadan ogaysiin lagu kala siiyay Ku-xigeenka Hanti-dhawraha Guud, Xisaabiyaha Guud iyo Wasiirka Maaliyadda, waxaanay u qornayd sidan:-

 

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XILQ/249/1-4946/072017 uu xilkii kaga qaaday Hanti-dhawrihii Guud ee Qaranka.

Mudane,Waxaan kaaga mahadcelinayaa muddadii aad soo haysay xilka Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

 

Haddaba, waxaan gartay in aan kaa qaado xilkaas, waxaanad ku wareejin doontaa Ku-xigeenka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, oo si ku meel-gaadh ah u sii hayn doona, inta aan u soo magacaabayo mas’uul ku habboon xilka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka.”

Maxamuud Dheere waxa uu xilka hayay toddobadii sannadood ee xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo haysay talada waddanka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply