Golaha Wakiillada oo Aqlabiyad ku Ansixiyey Istiqaaladii Guddoomiyahoodii Hore

0
753

Hargeysa (Dawan) – Fadhi aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen xildhibaannada Golaha Wakiilladu, ayay cod middaysan ku ogolaadeen is casilaad uu golaha ka hor dalbaday gudoomiyihii golahaas Cadiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), kaas oo xildhibaannada hortooda ku shaaciyay inuu xilkaas oo uu muddo 12 sannadood ah soo hayay uu iska casilay. Fadhigaas aan caadiga ahayn waxa ku sugnaa 71 oo ka mida 82-ka xildhibaan ee aqalkaasi ka kooban yahay.

 

Istiqaalada guddoomiye  Cirro, waxa ogolaaday 70 xildhibaan, cid diiday iyo cid ka aamustay toona may jirin, gudoomiyaha xilka bannaynayayna muu codayn. Sidaasna waxay xildhibaannada golaha wakiilladu cod buuxa ku ogolaadeen dalabka is casilaada guddoomiyahoodii  hore Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.

 

Khudbada gudiimiyihii hore golaha ka hor jeediyay ayaa waxay u dhignayd sidan:-

“Shir gudoonka iyo mudanayaasha golaha Wakiillada JSL waxaan idinku salaamayaa salaanta ugu qiimaha badan islaamka: Assalaamu caleykum wa raxmatullaahi wabarakaatuhu.
Salaan kadib waxaan halkan uga mahadnaqayaa mudanayaasha golaha soo xaadiray iyo sidoo kale kuwa maanta aanu waqtigu u saamixin in ay inala joogaan golaha, sidoo kale waxaan mahad gaar ah u soo jeedinayaa shir gudoonka iyo xoghayaha guud oo fadhigan qaban qaabadiisa iyo isu yeedhidiisaba lahaa.

Ujeeddada Fadhiga Ee Golaha:
Mudanayaal, aniga oo idinka mahadcelinaya waqtigii dheeraa ee aynu soo wada shaqeynay iyo waayihii dheeraa ee mida bada badan lahaa ee aynu soo wada marnay, Mudanayaal Waxaan maanta Gole weynaha sharafta badan isugu yeedhay in aan idinla wadaago go’aan muhim u ah taariikhda golahan iyo taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland-ba, kaas oo ah in aan isu diyaarinayo in aan baneeyo xilka Gudoomiyaha Golaha Wakiillada ee aad ii doorateen idinku, iguna maamuusteen, kaas oo waqti dheerna aan idinku matalayey, isla markaana codkiina iyo kalsoonidiinaba aad igu siiseen in aan idinku hogaamiyo mudadaas.
Mudanayaal, waxaynu ahayn hal gole oo ka kooban 82 Xildhibaan oo ah ul iyo diirkeed, 12-kaa sanno ee aynu golaha ka soo wada shaqeyneynay, waxaa inaga geeriyooday 12 Xildhibaan oo saaxiibadeen ahaa oo kala ahaa:
1. Marxuum Maxamed Nuur Cismaan Aare Gobolka – Awdal
2. Marxuum Maxamed Cumar Jabaabul – Gobolka Sanaag
3. Marxuum Yuusuf Maxamed Cali Tuke – Gobolka Sanaag
4. Marxuum Axmed Cabdi Siciid – Gobolka Awdal
5. Marxuum Aadan Tarabi Oogle – Gobolka Sool
6. Marxuum Axmed Maxamuud Maxamed – Gobolka Awdal
7. Marxuum Axmed Ibraahin Daahir ( Axmed Weyne) – Gobolka Marodijex
8. Marxuum Fuaad Sh Maxamuud Cabdalle – Gobolka Saaxil
9. Marxuum Xariir Siciid Bulaale – Gobolka Sool
10. Marxuum Maxamed Barkhad Miigane – Gobolka Awdal
11. Marxuum Ibraahin Maxamuud Xuseen ( Dhaadheere) – Gobolka Sanaag
12. Marxuum Xamse Maxamed Gaadaweyne – Gobolka Togdheer

Mudanayaal, waxaan si naxariis leh idinka codsanayaa in aad walaaladiin faataxada u martaan, in ilaahay qabrigana u nuuriyo, naxariistii janadana alle ka waraabiyo, eheladii iyo qaraabadii ay ka tageena iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliland samir iyo iimaan alle ha ka siiyo, aamiin. eebbe ayaa balan qaaday in naf kastaa dhadhamin doonto geerida!
Waxaan kale oo aan u duceyneynaa gudoomiyayaashii iyo mudanayaashii geeriyooday ee golayaashii inaga horeeyey ka tirsanaa, mudanayaal, sidoo kalena xildhibaanada inta xanuunsaneysa maanta ee aan fadhigan inala joogina waxaan ilaahay uga baryeynaa in uu caafimaad dhakhso ah siiyo aniga oo si gaar ah u xusayaa Mudane Xildhibaan Ibraahin Ahmed Haybe (Ibrahim Kacaan) oo ka mid ah odoyaashii golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.
Taariikhda Gollaha Iyo Horumarkiisa:
Mudanayaal, inta aanan u gudbin go’aanka taariikhiga ah ee aynu halkan u wada fadhino maanta, waxaan jecelahay in aan halkan idinku soo gudbiyo: taariikhdii golahani soo maray, waxqabadkii iyo horumarkii golahani sameeyey, caqabadihii inaga horyimid mudadaas iyo wixii aynu ka baranay marxaladaas kala duwanaa.
Mudanayaal, sida aad la wada socotaan golahani wuxuu ahaa golihii 29-kii september 2005-tii la soo doortay, waxaynu la wareegnay oo aan jecelahay in aan idin xasuusiyo duruufihii aynu ku soo shaqeynay, si aynu u garano wixii inoo qabsoomay iyo caqabahii golaha inaga wada hor-yimid:
Golihii inaga horeeyey, waxaan ka dhaxalnay oo aan kala wareegnay:
Hool shirar oo ahaa mid aad u kooban, dhisme ahaana aan loogu talo galin gole barlamaan in uu ku shaqeeyo iyo 5 xafiis oo kaliya. shir gudoonknau hal xafiis buu wadaagi jiray.
Shaqaalaha golaha ee aan xiligaa la wareegay waxay ahaayeen 21 shaqaale, iyo laba agaasime waaxeed.
Qalabka xafiisyada oo gabi ahaanba aan jirin marka laga yimaado 2 computer iyo xabad teeb ah.
Lix guddi hoosaad oo aqalka golaha wakiiladu lahaayeen oo midna aan xafiis iyo xoghayn lahayn, aqab shaqana aan haysan.
31 xeer oo uu golihii inaga horeeyey ansixiyey.
iyo miisaaniyad gaadhaysay 3, 049, 863,200 Somaliland Shilling.
(Aaddex bilyan, sagaal iyo afartan malyan, sideed boqol iyo saddex iyo lixdan kun, iyo laba boqol oo shillingka Somaliland ah)

Mudanayaal, maanta ilaahay mahadii golaheenu waa mid aad uga duwan isla markaana ah wax lagu farxo waxa inoo wada qabsoomay mudadaas aynu soo wada shaqeyney waxa ka mid ah:
Dhisme xarun barlamaan casri ah oo la jaanqaadaysa Baarlamaanada dunida, kana kooban xafiisyo aad u tiro badan, hoolal shirar iyo maktabad weyn. waxa ka mid ah hoolkan aan hadda fadhino.
Waxaynu xafiisyo barlamaan ka sameynay shan (5) ka mid ah gobolada dalka (awdal, saaxil, togdheer, sool iyo sanaag) si shacbigii soo doortay xildhibaanada iyo golahoodu isu soo gaadhaan, shacbiguna u helaan xarumo ay xeerarka goluhu soo saaro lagula wadaago.
Tirada shaqaalaha golaha oo gaadhay 153 shaqaale, halkii ay awal hore ka ahaayeen 21 shaqaale oo kaliya, oo waliba ah shaqaale xirfad badan oo tayadoodu aad u sareyso. (Shaqaaluhu waxa uu kordhay mudadaas 7 Jeer ama 728%)
Miisaaniyadda goluhu maanta waxa ay maraysaa 27 bilyan oo shilling Somaliland, waxa ay korodhay sagaal (9) goor.
Tirada agaasimayaasha goluhu waxa ay gaadheen 10 agaasime waaxeed iyo 10 guddi hoosaad iyo waliba la-taliyayaashoodii sharci oo ay guddiyadaasi leeyihiin.
Waxaa sidoo kale horumar weyn laga sameeyey habka goluhu u maro sameynta shuruucda cusub ee dalka, kaabistooda iyo wax ka badalkoodaba.
Waxaa kordhay ka qeybgalka dadweynuhu ka qeybgalaan iyo dhagaysiga shuruucda goluhu ka doodayo, iyo sameyn toodaba.
Waxa golaha u qabsoomay in uu tababaro badan u suurta galiyey Xildhibaanada golaha Wakiillada iyo shaqaale weynahaba.
Waxaa xusid mudan in aynu xidhiidho badan oo dibadda ah la sameynay Barlamaano dunida ah oo aynu korjooge rasmi ah ka noqonay Common Wealth Parliamentary union. (Ururka Barlamaanada wadamada barwaaqo sooranka)
Waxaa golahani soo saaraa wargeys saddex bilood le ah iyo website-ka kaliya ee hay’ad dowli ah oo Somaliland leedahay oo si joogto ah u soo tabiya xeerarka, hadal qoraalka iyo miisaaniyada qaranka lagu baahiyo.
Waxaa ilaahay mahadii in uu inoo suurtagaliyey in aynu sameyno 52 xeer oo dhaqan gal ah, taas oo ka dhigaysa in goluhu ansixiyey 62% xeerarka JSL.
Waxaa sidoo kale inoo qabsoomay in golahani uu mudadaas soo saaray 360 go‘aan gole (Resolutions).
Caqabadihii Iyo Duruufihii Gollaha Soo Waajahay:
Gudoomiyhii hore mar uu khudbadiisaa kaga hadlaayay caqabadihii glahaas soo foodsaaray, waxa uu yidhi “Waxaynu ku soo shaqeynay duruufo iyo caqabaddo badan, mararka qaarkoodna aad u qalafsanaa, oo ay saameyn weyn ku lahayd isbedeladda siyaasadeed ee dalku soo maray, sida dib u dhicii doorashooyinka ee xukuumadan KULMIYE iyo xukuumadii UDUB-ba ee kala danbeeyey, isbedelkii labadii xukuumadood ee UDUB iyo KULMIYE, furitaankii ururada iyo doorashadii golaha deegaanka ee 2012-kii , hadhitaankii uu hadhay xisbigii xukuumaddii hore ee UDUB oo ay ka soo jeedeen 33 xildhibaan oo golaha fadhiya maanta iyo soo bixitaankii axsaab cusub oo qaranku yeeshay.
Mudanayaal, golahani intii uu shaqeynayey caqabadihii aynu soo wada marnay kuwoodii ugu mudnaa uguna waaweynaa waxaa ka mid ahaa:
1. In xukuumadihii kala danbeeyey ee Somaliland ay ogolaan waayeen in golaha Wakiilladu si madaxbanaani leh u shaqeeyaan oo ay gaadhay heer golaha la qufusho hadhcad, in marar badana golaha ciidaan xoogan lagu wareejiyo ama la duldhigo, taas oo sababtay in muwaadiniin ka mid ah shacbiga ina soo doortay ku geeriyoodaan, alle ha u naxariistee.

2. In fahamka bulshada ee shaqada golaha Wakiillada ay aad u liidatatay, waxaad ka dareemaysaa eedeynta aan ka fiirsiga lahayn ee golaha loo soo jeediyo had iyo goor, sida madaxda iyo mas’uuliyiintii sarsare ee dalka, waxaa tusaale idinku filan musharaxa dhigeyga ah ee KULMIYE oo ka hadlaya madashii Togdheer ee qaadashada kaadhadhka codbixinta lagu daahfurayey in uu ku uudeeyey golaha Wakiillada in uu waxka qaban waayey sicir bararka taas oo ahayd shaqada xukuumadda KULMIYE guud ahaan, gaar ahaanna Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka dhexe ee dalka.
(Anigoo halkan raba in aan aad ugu iftiimiyo cidii mugdi kaga jiro shaqooyinka ugu muhimsan ee golaha wakiiladu qabtaan oo ay ka mid yihiin curinta, ansixinta, kaabista iyo wax ka baddalka shuruucda dalka iyo miisaaniyadda qaranka iwm.)

3. Waxaa iyaduna caqabad weyn inagu ahayd muranka mudada dheer soo jiray ee saami qeybsiga kuraasta golaha oo xeerkiisu inaga diyaar yahay marka laga yimaado qodobka saami qeybsiga oo laga sugayo go’aan ka gaadhisteeda Madaxweynaha qaranka oo muddo hore balan qaaday in uu guddi u saarayo, sidii uu go’aan uga gaadhay madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin qabashada doorashada golaha Wakiillada JSL ee 2005.

4. Waxaa sidoo kale iyana caqabad ahayd ka maqnaanshiiyaha haweenka iyo beelaha la hayb sooco arrintaas oo mudan in si wadajir ah qaranku xal ugu helo.

5. Waxaa iyaduna caqabad mug weyn ahayd ilaa haddana ah fulin la’aanta xukuumadihii kala danbeeyey xeerarka goluhu ansixiyo oon marar qaarkood gaadhin maxkamadaha dalka.

6. Mudanayaal waxaa iyaduna caqabad ahayd, ilaalin la’aanta xasaanadda mudanayaasha Barlamaanka oo marar badan dhacday in booliska iyo ciidankuba awood sharciga ka baxsan u adeegsadeen xildhibaanada sharafta iyo xasaanadaba leh oo isugu jirtay garaacis, xadhig iyo handadaad intaba iyaga oo ciidanka amaro sharciga baalmarsan ka helayey madax ka tirsan xukuumadda.

Mudanayaal, iyadoo dhammaan caqabadaas aan soo sheegnay iyo qaar kaleba ay ku gadaamnaayeen golaha, hadana waxaa maanta ilaahay mahadii ah in aynu nahay wali gole isku duuban oo wadashaqeyn buuxdana leh, gole dimuqraadi ah oo doodiisa iyo difaaciisaba si habsami leh u guta, isla markaana shacbiguna ka qeybgalkooda ay leeyihiin, taas oo ah arrin lagu majeerto guud ahaan gobolka oo dhan gaar ahana mandaqadda aynu ku noolnahay.
Mudanayaal, waxaan in badan ku dadaalayey oo ii suurtagashay ilaahayna igu asturay isku wadista golahan iyo ilaalinta maslaxadda guud ee qaranka, aniga oo ka duulayey dhowrista sharciga, ilaalinta karaamada iyo sharafta mudanayaasha golaha, iyo matalaadda shacbigii ina soo doortay.
Mudanayaal ka gudoomiye gole ahaan, aniga waxay iiga baahneyd duruufahaasi dulqaad dheeraad ah, xilkasnimo weyn, wada shaqeyn buuxda xitaa hadii ay aragtiyaha aynu ku kala duwaneyn marmarka qaar.
Mudanayaal, waxaa dhacda qaar doonaya in ay inta badan aniga i maagaan ama shakhsi maagaan in ay dowladnimada dhaawac weyn u geystaan, iyaga oo inagu tilmaama in aynaan waxba qaban, in aynaan waxba tarin, in aynaan qiimo u lahayn bulshada, iyo in aynu guud ahaanba khasaare nahay!
Mudanayaal aniga oo ku hadlaya afkiina waxaan leeyahay, golahani waa gole dastuuri ah oo sharci ku dhisan, xildhibaano la soo doortayna ah oo shacbiga matala kuwaas oo leh hanaan iyo habraac ay ku shaqeeyaan oo sharcigu u jideeyey, caqabado iyo jalaafooyin badana ka soo talaabsaday, guulahaa aynu soo tilmaanayna gaadhay, waxaa ay mudan yihiin in la ixtiraamo oo la xaqdhowro si loo ilaaliyo haybadda dowladnimo iyo rabitaanka shacbiga ay codkooda ku fadhiyaan.
Mudanaayl, waan ogahay waanan la socdaa in badan oo saaxiibaday ah, taageerayaashayda ah, iyo guud ahaanba qaar kamid ah shacbiga reer somaliland ay jeclaayeen in aan ka tago golahan xilli hore, balse waxaan idiin sheegayaa in aanu jirin haba yaraatee wax sharci ah oo ii diidaya in aan wada ahaado Gudoomiyaha golaha Wakiillada iyo Musharax Madaxweyne, sida sharcigu ugu ogolyahay in uu tartamo Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka dalka iyaga oo xilka haya!
Mudanayaal, waxaad la socoteen in marar badan dib u dhac ku yimaadeen doorashooyinka, sidaa darteedna waxaan culeys weyn ku hayey in aan xaqiijiyo qabsoomidda doorashooyinka si ay shacabka reer Somaliland u gutaan xuquuqdooda dastuuriga ah una doortaan madaxooda.”
Cabdiraxmaan Cirro mar uu khudbadiisaa kaga hadlaayay go’aankiisa iscasilaada waxa uu yidhi “Mudanayaal gunaanadkii iyo gabogabadii hadalkayga, maanta oo ay taariikhdu tahay 2-da bishii 8aad sanadka 2017, waxaan ku qancay isla markaana go’aansaday in aan baneeyo xilkii Gudoomiyaha golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, aniga oo aaminsan in bedelkayga buuxinaya kaalintaas uu idinka soo bixi doono, iyada oo loo marayo dariiqa iyo hanaanka sharciga ee lagu doorto gudoomiyaha golaha Wakiillada.
Mudanayaal, in aan ka dagay xilkii iyo mas’uuliyadii gudoomiyaha golaha Wakiillada macnaheedu ma aha in aan ka tagay shaqadii qaranka ee waxaan isu diyaariyey in aan qabto kaalinta-ka mugga weyn ee ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo loo tartami doono 13-ka November 2017 insha allahu tacaalaa.”
Mudanayaal, hadii eebe idmo, marka aan ku guuleysto himiladeyda ah hogaaminta dalkan, waxaan idin balan qaadayaa in ay golayaasha sharci dajintu si dhamaystiran u helaan madaxbanaani buuxda, xasaanadda iyo sharafta ay mudan yihiina ay helaan. idamka allena, waxa ay xukuumadeydu xoogga saari doontaa: xaqiijinta madaxbanaanida dalka iyo helitaanka ictiraaf buuxa oo uu qarankeenu ka helo beesha caalamka, dhisidda cadaaladd iyo garsoor madax banaan, maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqqa, xalinta sicir bararka aafeeyey umadda reer Somaliland, kobcinta dhaqaalaha iyo kor u qaadida adeegyada bulshada, daryeelka shaqaalaha iyo ciidamada, u abuurista dhalinyarada fursado shaqo oo loo siman yahay, la dagaalanka qabyaaladda iyo qoqobka aafeeyey qaranimadeenii, ugu danbeyntiina waxaan dadaal badan gelin doonaa mideynta bulshada reer Somaliland.
Mudanayaal, waxaa ku soo koobayaa aragtida iyo himilada aan qabo, tuducyo kamid ah maansadii daba-taxan ee macalinkii, mufakirkii iyo maansayahankii weynaa ee Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye tiriyey:-
Waxaa maanta ii daran

qaran haga dadweynaha
Qaran damal sidiisii noo dalaalimeeyoo

soo taabta darafyada.
Qaran aan dir sooc jirin

qaran aan ahayn dullin
Nabadoonka beeshiyo raacatada dulsaar ku ah
Qaran aan dirsado oo aniga isku kay dirin.
Qaran iigu soo dara oo aan iiga sii darin.
Qaran gudaha daafaca, dibaddana aqoonsi leh.
Dardaaran: Mudanayaal:-
Waxaan idinkula dardaarmayaa in aad is cafidaan oo aad isa saamaxdaan, aniga i cafisaan, isuna dulqaadataan, inta muddo xileedkiina ka hadhsana aad ku shaqeysaan isku duubni, wada jir iyo walaaltinimo.
Somaliland ha noolaato, ha samaato oo ha sugnaato abidkeed. Wabilaahi tawfiiq.

Gudoomiyuhu waxa uu xildhibaanada ka dalbaday in ay ku taageeraan go’aankiisaas iscasilaada ah ah. Madasha fadhiga waxa ku sugnaa 71 xildhibaan oo ka mida 82-ka xubnood ee golaha wakiiladu ka kooban yahay. Cod qaadid ka dib dalabkii gudoomiyaha ee ahaa iscasilaada waxa ogolaaday 70 xildhibaan, cid diiday iyo cid ka aamustay toona may jirin, gudoomiyuhuna muu coday.

Gudoomiyahan xilka ka degay ayaa waxa uu xilka golaha soo hayay mudo 12 sannadood ah, taas oo ku siman tan iyo markii la doortay golahaas 29 Sepembar 2005. Badi xildhibaanada golahaas ayaa waxay soo dhaweeyeen banaynta jagadaas. Doorashada gudoomiyaha cusub iyo ku-xigeebadiisa oo ay loolan ugu jiraan xildhibaano dhawr ahi ayaa waxa loo balamay in la dooran doono maalinta Axada ah ee todobaadka  soo socda.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply