Telefishanka CNN oo Warbixin Dheer Ku Falan-qeeyey Maalgashiga Somaliland ka Kasbatay Caalamka

0
385

Berbera (Dawan)-  “Dawladda  aan la aqoonsaneyn  ee Somaliland, ayaa kasbatay heshiiskii ugu weynaa ee maalgashi shisheeye ah ee  ay waligeed  hesho. Shirkadda laga leeyahay Dubia ee DP World ayaa gelinaysa  $442 Milyan oo doolar marsadda Berbera oo la doonayo in loo beddelo inay  noqoto  xadunta ganacsiga mandaqadda,” sidaas waxa lagu bilaabay warbixin uu shalay baahiyay Telefishanka caanka ah ee CNN oo fadhigiisu yahay dalka Maraykanka.

 

Weriye Chris Giles oo ka hawlgala muuq-baahiyaha CNN,  ayaa tafaasiil ka bixiyey ahmiyadda uu Somaliland ugu fadhiyo heshiiska casriyaynta dekedda Berbera oo uu tilmaamay inuu kor u qaadayo mustawaha siyaasadeed ee Somaliland ku yeelanayso caalamka, waxaana warkaas soo turjumay oo warbixintan ka diyaariyay Tifaftiraha Guud ee Dawan Cumar Maxamed Faarax.

 

“DP World  waxay maamulaysaa dekedda soddon sannadood, waxaanay shirkadu qorshaynaysaa inay horumarin ku samayso goobaha maraakiibtu ku xidhato iyo aagga ganacsiga xorta ah.

Dawladda Somaliland waxay naawilaysaa in dekeddu  u adeegto ganacsiga  bariga Afrika oo intiisa badani marto dekedda Jabuuti. Waxa kaloo mashruucani horumarin doonaa dhaqaalaha Somaliland.

Somaliland waxay shaacisay madax-bannaanideeda  1991, oo ay ka go’day dalka dagaaladu dishoodeen ee Soomaaliya. Waxay  hirgalisay nabadgelyo cago-adag ku taagan, waxa kaloo ay qabsatay doorashooyin xor ah, haseyeeshee ma jiro waddan kaliya oo ictiraafay qaranimadeeda. Beesha caalamku waxay  mudnaanta siinaysaa in Soomaaliya noqoto dal  qudha oo  middaysan.

Heshiiska DP World waxa uu tusmaynayaa  awooda dalku ku yeelanayo adduunka. Maalgashigani waxa uu ku soo beegmay iyadoo dhallinyarada Somaliland ay saamaysay shaqo la’aanta oo gaadhay in ka badan  Boqolkiiba Lixdan (60%) iyo abaartii ugu xumayd sannado oo saamaysay 1.5 Milyan oo qof  oo tirada dadka ku nool Somaliland

ka noqonaysa 30%.

 

 

 

Agaasimaha ururka dhaqanka ee  Red Sea Cultural Association ee caasimada Hargeysa, Jaamac Muuse Jaamac, ayaa aaminsan in Mashruucaasi  uu abuuri doono fursado.

“Dekedda Berbera waa mid aad muhiim ama xudun ugu ah Somaliland,”ayuu Jaamac u sheegay CNN, waxaannu intaas ku daray; “Maalgashigani wuxuu xoojinayaa isku-xidhka Afrika, gaar ahaan Itoobiya, waa xilli hore haddii aan idhaahdo dhammaantii maalgashigani wuu wanaagsan yahay, laakiin waxaan ku kalsoonahay inay tahay tallaabo hore loo qaaday.”

 

 

“Geeska Afrika waa gobol aad u koraya,waxaana ka jira qaar ka mid ah dhaqaalaha degdeg u korista badan ee adduunka,” ayuu yidhi Guddoomiyaha shirkadda DP World, Sultan Ahmed Bin Sulayem, waxaannu yidhi; “DP World waxay  dhisaysaa kobaca gobolka (Geeska Afrika) si aanu u sahalno ganacsiga.”

Goobta ay ku taalo dekeddu waxay fursad siinaysaa dalka aan badda lahayn ee Itoobiya oo ku xidhan  waddanka jaarkiisa ah ee Jabuuti oo ay kala soo degaan ganacsigooda Boqolkiiba Sagaashan 90%. Itoobiya waxay xilligan dekedda Berbera kala soo degtaa raashin cadadkiisu xaddidan  yahay, waxase ballaadhinta lagu samaynayo marsaddu ay keenaysaa in Itoobiya kordhiso baddeecadaha u soo mara Berbera.

 

Dawladda Somaliland waxay sheegtay in   heshiiska dekedda ay Itoobiya ka siinayso saami ah boqolkiiba Sagaal iyo Toban 19% oo u keeni doona faa’iido labada dhinac ah.

Somaliland waxay heli doontaa saaxiib ay garabsato oo awood leh, Itoobiya waxay ka mid tahay dalalka dhaqaalahoodu horusocodka samaynayo ee Afrika, waana waddanka martigeliyey(Xaruntiisu ku taal) Midowga Afrika isla markaana cudud weyn ku leh diblomaasiyada caalamka.

Labaatameeye sannadood ka dib,  waxa dalkan aan la aqoonsani uu hawaysanayaa inuu kaalin ku yeesho masraxa caalamka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply