Madaxweynaha Somaliland oo Qaabiley Cabdiraxmaan Cirro oo Xafiiskiisa ku Booqday Shalay

0
356

Hargaysa (Dawan)-  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md.  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa  shalay  xarunta madaxtooayda ku qaabilay  Guddoomiyihii  hore ee Golaha Wakiillada, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),   ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI  oo shalay si rasmiya ugu  iskaga casilay xilkii aqalka Wakiillada.

 

 

Booqashadda uu  murrashaxa  xisbiga Waddani  ugu tegay madaxweyne Axmed Siilaanyo,  waxa ku  wehelinayay  Guddoomiye ku-xgeennada  koowaad iyo labaad ee golaha Wakiillada, Baashe Maxamed Faarax iyo Dr. Cali Yuusuf Axmed.

Sidoo  kale waxaa   kulankaasi   madaxweynaha ku wehelinaya wasiirka  madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi iyo afhayeenka madaxtooyadda Xuseen Aadan Cigge (Dayr), xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha iyo xubno kale.

kulankaasi kadib ayaa waxa warbaahinta faahfaahin ka siiyay  afhayeenka madaxtooyada Eng. Xuseen Aadan Cige (Dayr),  iyo murrashaxa xisbiga Waddani  oo saxaafadda si wadajir ah ugula   hadlay  xarunta  madaxtooyada.

Afhayeenka  madaxtooyada ayaa  sheegay in guddoomiyaha Waddani uu madaxweynaha  uga mahadceliyay muddadii ay soo wada shaqeeyeen,   halka madaxweynuhuna  ku booriyay in danta guud ee qaranku  ay  mar walba mudnaanta koowaad yeelato. “Guddoomiyaha Waddani waxa uu madaxweynaha uga mahadnaqay muddadii  dheerayd ee ay soo wada shaqaynayeen, waxaannu ku booriyay in qaranku uu halkaa ka sii taaba-gallo.

Madaxweynuhuna wuu u duceeyay murrashaxa  madaxweynaha  ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ahaana guddoomiyihii hore ee golaha Wakiillada iyo murrashaxiinta  kaleba,”ayuu yidhi Afhayeen Xuseen Dayr.

 

Waxa kaloo uu    ku tilmaamay C/raxmaan Cirro in  uu yahay shaqsi taariikh  qiimo leh kaga jira  Somaliland, isla markaana uu wax badan u soo qabtay  dalka; “Taariikh qiimo leh ayuu qarankan kaga qoran yahay, qaranka Somaliland iyo ummaduba waxay aad ugaga mahadnaqayaan  C/raxmaan Cirro wixii uu u soo qabtay. Madaxweynuhu wuxuu ku booriyay in danta guud ee qaranku  ay  mar walba mudnaanta koowaad yeelato,”ayuu yidhi afhayeenku.

Dhinaca kale guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani C/raxmaan Cirro, ayaa sheegay in  kulanka  u  madaxweynaha la yeesheen u jeeddadiisu ahayd in uu ku wargeliyo in uu shalay  banneeyay kursigii guddoomiyenimo ee golaha Wakiillada, waxaannu yidhi;  “Maanta (shalay) oo ay bishu tahay 2-da August 2017-ka, waxaan banneeyay jagadii  guddoomiyenimada ee golaha Wakiilladda jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo doorashadii madaxtooyadu ay inoo qabsoomi doonto 13-ka bisha November ee sannadkan 2017-ka.

Sidaa darteed, maadaama  aan qaranka muddo dheer xil u hayay  waxaan soo booqday aniga iyo shir-gudoonkuba  madaxweynaha qaranka, oo aanu ku wargelinayay  in aan banneeyay xilkaas iyo dar-daaran wixii uu na sii farayay-ba.”

 

C/raxmaan Cirro, wuxuu intaas ku daray; “Kulankii  aanu madaxweynaha la yeelanay si wanaagsan ayuu noogu dhammaaday, waanan is la fahamnay sidii aanu awalba u wada shaqayn jirnay  hawlaha qaranka in looga wada shaqeeyo. Iyadoo    mudnaanta  la siinayo danta qaranka  iyo in doorashadu insha Allaah wakhtigeedii ay innoogu qabsoonto.”

Waxa kaloo  uu guriga madaxtooyada ku booqday Marwada koowaad ee Somaliland, Marwo Aamina Waris Sh. Maxamed Jirde, waxaanay u jeedisay dardaaran kooban balse muhiim ah, waxaanay tidhi; “Kollayba adiga kuma ogin degdeg iyo go’aan dalka waxyeelaya iskana ilaali wixii khalad kugu riixaya.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply