Cabdixakiin Xawte oo Dugsigii Labaad ka Hirgeliyay Gobolka Xaysimo

0
469

Burcadle (Dawan)- Cabdixakiin Axmed Xirsi Xawte oo ka mid ah qurbajooogta u dhalatay gobolka Sool isla markaana ah nin ganacade ah ayaa dugsi hoose dhexe ah ka hirgeliyay deegaanka Burcadle, (Ex Dhubuq-dhubuq, ee gobolka Xaysimo muwaadinkaasi oo jeebkiisa ka bixiyay dhammaan dhaqaalaha ku baxay dhismaha dugsigaasi iyo qalabayntiisaba.

Xaflad loogu talogalay furitaanka dugsiga  ayaa lagu qabtay isla  xarantu dugsigaasi, waxaana  xadhiga ka jray muwaadinka hirgeliyay dugsigaasi Cabdixakiin Axmed Xirsi Xawte, odayaasha iyo waxgaradka deegaankaasi  iyo masuuliyiin kale oo tiro badan.

Cabdixakiin ayaa xafladaasi hadal ka jeediyay waxaannu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay munaasibadan lagu daahfurayay dhismahan dugsigan cusub waxaanu baaq u diray qurbjooga reer Somaliland gaar ahaan qurbajoogta u dhalatay gobolkan, waxaanu yidhi “Qurbajoogta waxaan leeyahay waxaynu qaban karnaa wax ka badan intan, shaqsi kasta oo qurbaha jooga waxaan leeyahay intan iyo in ka badan ayaynu waban karnaa, waxaan tusaale u soo qaadanayaa dadkeena qurbaha joogaa waxaynu dhisanayaa guryo waawayn oo boqol kun oo dollar ah oo aynu u soo dalxiis tagno, iyada oo ay caruurteeni dayacan yihiin oo aanay waxbarsho iyo hoy toona aanay haysan oo aanay diin iyo maadi midna ka dhisnayn, markaa waxaa loo baahan yahay in lacagahaas ayaynu guryaha waawayn ku dhisanayno in aynu qayb yar oo ka mid ah walaalaheen wax ugu qabano.”

“Qodobka labaad ee aaan tusaalaha u soo qaadanayo waxa weeye, dadka qurbaha joogaa inta badan waxay u soo dhoofaan dalka, qoyska ka kooban todobada qof iyo qaalidkood, waxay soo goostaan tigidho qiimahoodu yayahay tobon kun oo dollar, marka ay dalka yimaadaana waxaa ku baxa toban kun oo dollar oo kale, waa labaatan kun, lacagtaasi waxay dhistaa xarun caafimaad, waxaan leeyahay bal sannad qudha baaqda oo lacagtaas kaga qayb qaado dhismaha dalka, marka aanu dib u noqono ayaa la is waraystaa oo la yidhaahdaa hebelow bal dalkii ka waran, wuxuu kuugu jawaabayaa caano Geel ayaan soo cabay, labaatan kun oo dollarna way ku soo baxeen,” ayuu yidhi Cabdixkiin Axmd Xirsi Xawte.

Cabdikariin Maxamed Gaaleef ayaa isaguna halkaaasi hadal ka jeediyay, waxaanu qurba jooga u dhashay deegaankan in ay dalka yimaadaan oo ay ka qayb qaataan waxbarashada iyo arrimaha bulshada ee gobolka, waxaanu yidhi “waxaan aad iyo aad ugu mahadnayaa ganasade Cabdixkiin Axmd Xirsi Xawte, waxaan u soo jeedinayaa qurbajooga in ay dalka yimaadaan oo ay arkaan wacyiga jira iyo xaalada jirta, aad ayaanu u jecelnahay in ay dalka yimaadaan waxqabadkooda iyo taakuladoodana waa loo baahan yahay. Cabdixakiin Axmed Xirsi Xawte wax badan ayuu qabtay markaa waxaanu baahanahay laba nin oo bal soo raaca oo ku dayda muwaadinkaas.”

Ganacsade Aadan Cali Nuur oo ah guddoomiyaha shirkada Golis ee gobolka Sool, isla markaana ka mid ah culimada gobolka ayaa isaguna goobtaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa taageeraheena, maalgeliyaheena Cabdixakiin Axmed Xirsi, isla markaana sabab u noqday in aynu maanta halkan isugu nimaadno, iskuulkana inoo daah furay, waxaan u mahad naqayaa Axmed Cabdi Xayir oo ah macalinka magaaladan, waxaan u mahad celinayaa Cabdikariin Maxamed Gaaleef, waxaan leeyaay bulshadu waxay wax ku tahay in ay isu tiirsanaato oo ay midaynaato, waxaan idiin dardaarmayaa in aynu midaysnaano.”

Axmed Cabdi Xayir ayaa isaguna halkaasi  hadal ka jeediyay waxaanu amaan ballaadhan u jeediyay muwaadinka hirgeliyay dugsigaasi waxaanu yidhi “Waxqabadkaa ballaadhan ee uu Cabdixakiin sameeyay waynu arkaynaa, haddii aynaan samaynayn waxaa uu sameeyay isaga oo shakhsi kaliya ah in aynu is garab taagno, oo aynu ka kaabno kharashaadka hoose ee ku baxaya.”

Agaasimaha guud ee wasaaradda dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland mudane Faysal Aw Jaamac Xirsi (Faysal Xawte), ayaa iisaguna hadkaasi hadal ka jeediyay isaga oo ku hadlayay magaca afka xukuumadda Somaliland waxaanu sheegay in dhawaan biyo galin lagu samayn doono degmada Burcadle, hawshaas oo ay iska kaashan doonaan wasaaradda khayraadka biyaha Somaliland iyo hay’adda ARC.

Muwaadinkani waxa uu sidoo kale sannadkii hore dusgi sare ka hirgeliyay deegaanka  Carrooley ee gobolka Xaysimo, kaas oo ay hadda dhigtaan ardaydii loogu talo-galay in wax lagu baro, dugsigan hadda la hirgeliyayna waxa uu noqonayaa kii labaad ee muwaadinkani ka hirgelilayay gobolkaas, waxaana tallaabadaas si ballaadhan o soo dhaweeyay shacbi waynaha ku dhaqan gobolka Xaysimo, iyaga oo ILLAAHAY ka baryay in uu miisaanka xasanaadkiisa ugu daro muwaadinkaasi isu xilqaamay horumarinta gobolkiisa.

Leave a Reply