Baashe Maxamed Faarax oo Loo Doortay Guddoomiyaha Cusub ee Wakiillada

0
437

Hargeysa (Dawan) – Golaha Wakiilladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa  Md. Baashe Maxamed Faarax u doortay inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee aqalkaasi, ka dib markii uu hal-cod kaga guulaystay Md. Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo kula tartamay jagadaas.

 

Fadhi aan caadi ahayn oo golaha la iskugu yeedhay toddobaadkii hore, markii uu xilkii iska casilay Guddoomiyahoodii hore Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo muddo 12 sannadood ah hoggaaminayey, fadhigan shalay  oo uu guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golahaas Md. Cali Yuusuf Axmed, kadib markii uu isla fadhiga isku casilay  Guddoomiye ku-xigeenkii koowaad Md. Baashe Maxamed Faarax oo fadhiga furay oo u tartamayay xilka Guddoomiyaha Golaha  ee bannaanaaday. Fadhiga waxa ka soo xaadiray 78-xildhibaan oo ka mida 82-ka xubnood ee uu golahaasi ka kooban yahay, waxa Md. Baashe Maxamed Faarax u coddeeyay 39 xildhibaan, halka Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle uu kasbaday 38 Mudane, waxaana halkaasi cod ku guulaystay Md. Baashe Maxamed Faarax. Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada, Md. Baashe Maxamed Faarax,  ayaa doorashadiisa ka dib la hadlay Xildhibaannada Golaha, waxaannu yidhi;  “Waad arkayseen oo waan iscasilay, haddii kursi jacayl i hayo kaygaan iskaga fadhiyi lahaa. Dareenkaygu aad buu u fiican yahay xildhibannada kama aqoon badni nasiibkaa i geeyay, haddii la iga helona golaha waan ku jiri lahaa.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee la doortay, waxaanu sheegay in xildhibaannadu sameeyeen dimuqraadiyad; “Guddoomiyaha cusub ee la doortay hal cod buu i dheeraa  waan u tahniyadaynayaa, waxaan leeyahay hambalyo. Xildhibaannadii labadayadaba noo codeeyay iyana waan amaanayaa, dimquraadiyad bay muujiyeen, xilkasnimo ayay  muujiyeen. Anigana dareenkaygu wuu wanaagsan yahay golaha waxaan leeyahay hambalyo,”ayuu yidhi Md. Talyanle.

 

 

Geesta kale,  waxa Golaha laga dareemayaa loolan adag oo  loogu jiro hanashada jagada guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee bannaatay taas oo doorashadeeda loo muddeeyay in la dooran doono toddobaadka fooda innagu soo haya,waxaana u sharraxan toddoba xildhibaan kuwaas oo kala ah  Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin, xildhibaan Maxamuud Dhunkaal Guutaale, xildhinbaan Xasan Muuse Hufane, xildhibaan Cadbilaahi Axmed Yuusuf iyo xildhibaan Maxamed Cumar Jiir.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply