Komishanka oo ka Warbixiyay Kaadhadh Qaybinta Codbixiyeyaasha oo ka Bilaabmaysa Sool iyo Sanaag

0
415

Laascaanood (Dawan)-  Komishanka Doorashooyinka  Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaaciyay in qaadashadda kaadhka codbixinta  ee gobollada Sool iyo Sanaag  in ay si rasmi ah uga bilaabmi doonto  maalinta Sabtida ee 12-ka bishan August.

Waxaanay sheegeen komishanku in ay hadda gebagabeeyeen  hawlaha tababarka shaqaalaha ee ka hawl-geli doona qaybinta kaadhka codbixiyaha, isla markaana ay  ay si fiican ugu diyaar garoobeen.

Xubnaha sare ee komishanka doorashooyinka qaranka oo uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Komishanka  C/qaadir Iimaan Warsame, oo shalay  warbaahinta kula hadlay magaaladda Laascaanood waxay sheegeen in 10-ka bishan  la qaban doono xafladda   daah-furka.

Iyadoo  maalinta Sabtida  oo bishu ku  began tahay 12  in goboladda Sool iyo Sanaag ay si rasmiya uga bilaabmi doonto qaadashadda kaadhka codbixiyaha, kuwaasi oo noqon doona labadii gobo lee ugu danbeeyay.

Marwo kaltuun  Sheekh Xasan Cabdi, oo ka tirsan xubnaha komishanka doorashooyinka Somaliland  ayaa warbaahinta uga warbixisay halka ay u marayaan hawlaha u diyaar garowga kaadh bixinta, waxaanay tidhi  “Hawlaha loogu diyaar garoobayo qaadashadda Kaadhka codbixinta  si fiican ayay noogu socdaan.   Waxaanu  ku jirnaa tababarkii shaqaalaha ka hawl-gelaya, waxaana noo soo xidhmay  tababar la siinayay qayb ka mid ah ardayda ka shaqaynaya kaadh qaybinta iyo macalimiintoodii aanu hore u tababarnay”.

“Qaybta labaad-ba wuxuu tababarku  u  bilaabmi doonaa berito, laba maalmood ayaanu u socon doonaa.  Guud ahaan tiradda shaqaalaha ka qayb geli doona gobolka Sool   waa 400 iyo dheeraad,  oo goobihiisu ay dhan yihiin 177 goobood.

177-ka goobood oo  ah  goobihii ay hore dadku isaga diiwaangeliyeen, si fiican ayaanu dadweynuhu isaga diiwaangeliyeen xiligii ay socotay diiwaangelintu.  Imikana waxaanu ku dardaaraynaa bulshadda, maadaama oo ay markii hore-ba si fiican isku diiwaangeliyeen  in ay imikana  si wanaagsan u qaataan kaadhka codbixinta” ayay tidhi komishaner Kaltuun.

Geesta kale waxay sheegtay in dadweynaha gobolka Sool ay si wanaagsan ugu diyaar garoobeen in ay qaataan kaadhka codbixinta, waxaanay ugu baaqday bulshadda gobolkaasi in ay ka faa’iidaystaan mudadd ay socoto bixinta kaadhadhku.

 

Marwo Kaltuun, oo sharaxaad ka bixinaysay mudadda ay diiwaangelintu ka socon doonto goboladaasi, waxay tidhi “Bulshadu dhamaanteed  sidaanu ka aragnay  aad iyo aad ayay ugu diyaar garoobeen  qaadashadda kaadhka codbixinta.  Magaaladda Laascaanood ee caasimadda gobolka Sool 7 maalmood ayay ka socon doontaa qaadashadda kaadhka codbixinta, wixii caasimadda ka baxsana waa 5 maalmood, maalmaha dheeraadka ahna magaalooyinka ayay 14 maalmood  ayay ka socon doontaa”.

 

Ugu dambayn  goboladda Sool iyo Sanaa goo la qorsheeyay in 12-ka bishan August ay ka bilaabanto kaadh-qaadashadda  codbixiyaha ayaa noqonaya labadii gobo lee ugu danbeeyay, iyadoo afarta gobol ee kale hore looga soo qabtay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply