Somaliland iyo Imaaraadka oo dhammaystiraya heshiis lagu hirgelinayo aagga suuqa xorta ah ee Berbera

0
378

Hargeysa(Dawan)- Jamhuuriyadda  Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, ayaa dhawaan ka wada hawlgalaya dhammaystirka heshiis lagu hirgelinayo aagga suuqa xorta ah ee laga hirgelinayo dekedda Berbera ee ku jiray heshiiskii ballaadhinta marsadda ay wadagaleen Somaliland iyo DP World.

 

Danjiraha Somaliland u fadhiya Imaaraadka, Md. Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa sidaas ku sheegay qaybtii labaad ee waraysigii uu siiyay Wargeyska Dawan, oo qaybtiisii koowaad aanu ku daabacnay caddadkii Wargeyska ee soo baxay Sabtidii 5/8/2017. Waxaannu qaybtan labaadna  kaga hadlay  in dawladda Imaaraadku  ogolaatay in xoolaha Somaliland loo iibgeeyo waddankeeda, jaaliyadda Somaliland ee nool dalka uu fadhiyo iyo qodobbo kale.

 

Safiirka oo ka jawaabayay su’aal ahayd in ay dawladda Imaaraadka carabta kala hadleen sidii shaqooyin loo siin lahaa dadka reer Somaliland ee degan waddankaas ee shaqo la’aantu hayso, waxaannu ku jawaabay; “Arrintan in badan ayaa madaxweynaha Somaliland kala hadlay dawladda Imaaraadka,heshiisyada aanu la galay dawladda Imaaraadka imika waxa ka mida in dadka reer Somaliland ee dalkaas degan in la siiyo tixgalintii ay lahaayeen,  xaqooda iyo xuquuqdooda, hadday tahay, shaqo abuur, waxbarasho, waanay soo dhawaysay dawladda Imaaraadku.”

 

Mr. Baashe waxa uu tilmaamay in danaha Imaaraadku ku jirto inay cilaaqaad heer walba leh la yeeshaan Somaliland;  “Dawladda Imaaraadka   maslaxaddeeda ayay ku jirtaa  inay mar walba cilaaqaad sare ay la yeelato Somaliland, waxaa wasaarada deegaanka ee Imaaraadku soo saartay go’aan ay ku ogolaaneyso in xoolaha Somaliland ee Berbera ka yimaadaa loo iibgeyn karo Imaaraadka,  lama odhan xoolaha  Muqdisho ka yimaada  ee waxa la yidhi kuwa ka soo dhoofa Berbera, taasina waxay daliil u tahay tixgalinta dawladda Imaaraadku siinayso Jamhuuriyadda  Somaliland,”ayuu yidhi Safiirku, waxaannu intaas ku daray;  “Dhawaan  waxaynu rajaynaynaa in  Somaliland iyo Imaaraadku dhammaystiraan heshiis lagu hirgelinayo aagga suuqa xorta ah ee  Berbera  taasina ay noqon doonto mid dardargalisa in shirkadaha ugu waaweyn ee Imaaraadku Somaliland  yimaadaan oo muwaadiniin badan oo degan dalkaasina ay shaqooyin ka heli doonaan.”

 

 

Safiir Baashe oo ka jawaabayay su’aal ahayd sida uu u arko in beryahan dambe ay hoos u dhacday dadkii ku eedayn jiray inuu kaalin ku leeyahay jaangoynta talada waddanka, waxaannu yidhi;

“Qofku  marka uu masuuliyiin ka ag-dhow yahay eeda iyo xag-xagashadu way ku badan tahay, markii  aanan xilka haynin aad bay u badnayd oo u fududayd in wax la iga sheegaa. Taasna waxa keenaysay Madaxweyne Axmed Siilaanyo waa nin weyn oo dadku wada yaqaaneen muddo dheer  oo ku siman illaa halgankii oo aanay fududayn in lagu eedeeyo waxaan dhaqankiisa ahayn, arrintaasin imika waxaad moodaa inay dadku ka il-baxeen inay dhegaystaan xajiimaynta iyo dacaayadaha beenta ah ee la iga sheegi jiray.”

 

 

Waxa kaloo la weydiiyay xaqiiqada  tibaaxo sheegaya inuu xidhiidh la leeyahay Guddoomiyaha UCID si uu mustaqbalka uga soo tartamo ama ugu biiro UCID, waxaannu yidhi; “Xisbiga UCID  waa xisbi mucaarid ah,  lana tartamaya labada xisbi qaran ee KULMIYE  iyo WADDANI  meel aniga iyo Faysal aanu ku heshiinayna ma jirto. Waxa  kaliya ee  loo nisbaynayaa in aniga iyo Guddoomiye Faysal uu heshiis na dhexmaray waa taageeradii uu taageeray heshiisyadii xukuumaddu la gashay dawladda Imaaraadka Carabta, waanan uga mahadcelinayaa taageeradiisa horumarka dalka.”

 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply