Xukuumadda Somaliland oo Shaacisay Inaanay Madaarrada Dalka ka soo Degi Karin Diyaarad Ruqsad ka Haysata Dawladda Muqdisho

0
438

Hargaysa (Dawan)-  Xukuumadda  Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii horraysay ka hadashay  qorshaha ay ku doonayso  dawladda itaalka daran ee Muqdisho in ay kula soo wareegto maamulka Hawadda, kaas oo ay qarammada midoobay gacanta ku hayso. Waxa kaloo ay  caddaysay in aanay madaarrada waddanka soo cago-dhigan Karin diyaarad ruqsad ka sidata Soomaaliya.

 

Wasiirka Duulista Hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland, Md. Farxaan Aadan Haybe,  ayaa sheegay  in aanu wax suurto-gelaya ahayn   isku-dayga ay dawladda Soomaaliya ku qorshaysatay  inay sifo khaldan kula soo wareegto maamulka Hawadda.

Wasiir Farxaan, oo  shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa waxa uu tilmaamay  in haddii ay dawladda Muqdisho sii wado qorshaha ay ku rakibayso qalabka maamulka Hawadda in Somaliland-na ay diyaar u tahay in ay rakibato qalabka ay ku maamulayso hawadeedda.

“Waxaan maqlaynay qoladda Soomaaliya in ay wadaan  isku-day  ay ku doonayaan in ay maamulka hawadda kula wareegaan, isku-daygaasina wax suurto-gelaya ma aha. Xalka qudha wuxuu yahay, sifo kastoo la isku dayo iyo qalab kastoo la rakibo,  haddii aan wadahadal laga gelin suurto-gal ma noqonayo.

Annaguna (Somaliland) wixii aanu hawadayadda ku maali lahayn waanu haysanaa. Iyagu-na (Soomaaliya) haddii ay doonayaan hawadooda in ay maamushaan  waxba kama qabno,”ayuu yidhi Wasiirku.

 

Waxa kaloo uu sheegay in  Somaliland ay rajo ka qabto in wadahadalkii  u socday Somaliland iyo Soomaaliya ee dhinaca maamulka  Hawadda uu  dib u bilaabmo, balse haddii  taas la waayo in qolo wailba ay u madaxbannaan tahay in ay hawadeeda maamulato, waxaannu yidhi;“Runtii   rajo weyn ayaanu ka qabnaa, waanan ku niyad-sanahay in wadahadallo wanaagsan oo la isku af-gartaa ay bilaabmaan. Haddii ay wadahadalladu dib u bilaabmi waayaan oo taasi ay dhici waydo, waxaa khasab ah in haddii  ay dhammaato muddada kala-wareega ah ee ICAO  loo diyaariyay in ay mashruuca ku fuliso ee dhammaystirka sannadka 2018-ka  in golaha Amaanka oo hay’adda  ICAO   uga wakiil tahay  go’aan ka gaadho.

Taasina  waxay keeni karaysaa in cid kale lagu wareejiyo hawadeenna, ha noqoto dalalka  jaarka ama waddamada kale ee loo arko in ay muhiim u yihiin.  Haddii ay sidaasi dhacdo taasi waxay dhalin kartaa in  muddo dheer gacanta Soomaalida ay ka maqnaato maamulka Hawadoodu.”

 

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxaanu rajo weyn ku qabnaa in wadahadal la isugu yimaado, oo la is-la eego suurta-galnimadda ah in la wada maamulan karayo,  oo ah tii hore loo waday ee heshiiskii Istanbul  Turkiga lagu waday. Haddii ay taasi suurtoobi waydo, qolo waliba (dawlad waliba)  nidaamkeeda iyo qorshaheedda  way u madaxbannaan tahay, wax is-dhex gelayana  maaha. Somaliland ahaan annagu xagayaga kama rajo xumin, waxaanan aaminsanahay in ay gacan bed-qabta oo amaan ah ku jirto, heshiiskuna sidaas yahay.”

 

Dhinaca kale wasiirka ayaa  digniin u dirtay shirkadaha diyaaradaha ee aan ruqsadda ogolaanshiyaha ka haysan wasaaradda duulista in aanay ka soo degi karin garoomadda diyaaradaha ee Somaliland, isla markaana aan loo ogolaan doonin.

Waxaanu sheegay in  aanay damaanad qaadi karin haddii ay isku dayaan in diyaaradaha qaar isku dayaan in ay ka soo degaan madaarrada Somaliland, isagoo tilmaamay in Somaliland ay u madax banaan tahay in ay maamusho xuduudaheeda Cirka, dhulka iyo Baddaba; “Waxaan ku wargelinaynaa dhammaan shirkadaha ama Nairobi ha joogaan ama halkan (Hargeysa)  ha joogaane  diyaarad aan ruqsad ka haysan wasaaradda duulista, in aan loo ogolaan doonin in ay ka degto garoomadda diyaaradaha Somaliland, kamana soo degi karto. go’aankaasi oo hore u jiray, waanu sii adkaynaynaa.”

 

Wasiir Farxaan oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi; “Waxaan u sheegayaa shirkadaha  diyaaradaha in aanaan damaanad qaadaynin amnigoodda iyo bed-qabkoodaba, haddii shirkadaha qaar isku dayaan in ay ka soo degaan madaarrada   Somaliland.   Waanay u madaxbannaan tahay jamhuuriyadda Somaliland in ay go’aamo ka soo saarto xadkeeda Hawadda, Badda iyo Berigaba.”

 

Waxa kaloo uu xusay in doorashada  madaxtooyadda ee waddanka ka qabsoomaysa dabayaaqada sannadkan uu rajaynayo in xisbal-xaakimka KULMIYE ku guulaysto,  waxaannu yidhi; “Dhinaca doorashada dadku kaadhkii si fiican bay u qaateen labada gobol ee hadhay markay soo gebageboobaan, waxaynu  u diyaar garownaa waa doorashadii oo dhacda November. Kolay xisbiga aan ka tirsanahay ee KULMIYE rajo wanaagsan baanu qabnaa guulo badan ayuu dalkan gaadhsiiyay guulaha wixii qabyo ahna hoggaan cusub ayaa  u imanaya dhammaystirkeeda iyo kobcinteeda iyo kuwii hore wixii u baahan in la tayeeyo tayayntoodaba, waxaan aaminsanahay inuu yahay qof waayo arag ah oo dalkan xaq badan ku leh guulo badan oo halgan kasoo qayb qaatay muddo badan dhex joogay oo rag badan oo kale ka maqnaayeen maantana u diyaara inuu wakhtigiisa u huro inta cimrigiisa ka hadhay.”

 

Wasiirka Duulistu waxa uu bogaadiyay Guddoomiyaha cusub ee aqalka Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax oo  shalay la doortay;  “Waxaan u mahadcelinayaa xildhibaannada barlamaanka, waxaan hambalyo wayn oo mug iyo qiimo leh u dirayaa guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada  Jamahuuriyada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax oo maanta (shalay) ku guulaystay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee golaha wakiillada. Waxaan aaminsanahay inuu wax badan ka beddeli doono shuruuc badan oo barlamaanka hor taalla,”ayuu yidhi Farxaan Aadan Haybe.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply