Madaxweynaha Koonfur Afrika oo ka Badbaaday Codka Kalsooni kala Noqoshada

0
447

Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa ka badbaaday codka kalsoonida oo ay u qaadeen baarlamaanka dalkaasi oo kulan ku yeeshey magaalada Cape Town.

Codbixintan oo u dhacday si qarsoodi ah markii ugu horeysey ayaa xisbiyada mucaaradka waxa ay rajo ka qabeen in xildhibaanada ku jira xisbiga talada haya ay ka codeyn doonaan Zuma, balse taasi ma aysan dhicin.

198 xildhibaan ayaa codka kalsoonida siiyey madaxweynaha, halka 177 kale ay kala laabteen, sidaasina waxa uu uga badbaaday in kalsoonida lagala noqdo .

Si uu u meelmaro codka kalsoonida madaxweynaha waxaa loo baahnaa 201 cod.

Xisbiga talada haya ee Koonfur Afrika ee ANC ayaa aqlabiyadda ugu badan ku leh baarlamaanka, waxaana dhacday in illaa 30 xildhibaan oo ANC ka tirsan ay ka codeeyeen Zuma shalay, balse taasi kuma aysan filneyn in madaxweynaha xilka laga qaado.

Mar sii horeysey guddoomiyaha baarlamaanka gabadha lagu magacaabo Baleka Mbeta ayaa sheegtey in ay ogoshahay in codka uu u dhaco qaab qarsoodi ah, taasi oo ay xukuntey maxkamad kadib markii mucaaradka ay ku doodeen in ay jiraan xildhibaano ANC ah oo codkooda si xor ah u dhiiban lahaa, balse ka cabsi qaba in ay xisbiga dhibaato kala kulmaan haddii codka gacan taag laga dhigo sidii marar hore dhacday.

Zuma ayaa lagu eedeeyey arrimo musuqmaasuq iyo dambiyo kale, kuwaasi uu dhammaantood diidey madaxweynaha in uu geystey.

 

 

Leave a Reply