Cali Khaliif oo Jilaa Is-dilay ku Tilmaamay Ku-xigeenkiisii Xilka Laga Qaaday

0
380

Buuhoodle (Dawan)- Hoggaamiyaha Maamulka Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay  in go’aankii xilka lagaga qaaday ku-xigeenkiisii, Cabdalle Maxamuud Cali (Caga-lule) uu ahaa qaraar ansax ah, waxaanu ku sifeeyey  inuu la mid yahay jillaa is-dilay oo kale.

Waxa  kaloo uu ku eedeeyey in Caga-lule doonayo inuu  Khaatumo  ka dhigo  mid u qaybsan laba garab oo ku wada sugan magaalada Buuhoodle; “Haddii aan  ku horreeyo  Ku-xigeenkaygii Cabdalle Maxamuud Cali (Caga-lule)  sharciga lagu qaaday ee xilkii lagaga qaaday,  waa markii lixaad ee uu qaynuunku qabto, intaas oo jeer oo horena  waxa loogu dul-qaadanayey duruuftii lagu jiray iyo wakhtiga  adag. Ina Caga-lule wuxuu la mid yahay  riwaayad laga dhigay wakhti hore magaalada Washington ee Maraykanka, waxaa ku jirey riwaayadaas nin madow oo jilaa weyn ahaa, waxaannu ku metelayey inuu bastoolad madaxa iskaga qabto ay ku jirtay xabad dheemish ahayd, balse  cid u bedeshayba xabad nool ayaa loo geliyey baastooladii uu wax ku jilayey, kadib sidii ayuu riwaayadii ku metelay xabadii oo uu dheemish u haystana madaxa iskaga jiiday kuna dhintay. Markaa Cagalule ninkaa madow kama duwanna ee isu haystay jilaaga weyn, sida fududna isugu dhammaystiray,”ayuu yidhi Cali Khaliif oo ka hadlay shir ballaadhan oo shalay lagu qabtay magaalada Buuhoodle oo lagu taageerayey tallaabada maamulka Khaatumo ay xilkii kaga qaadeen toddobaadkii hore Mr. Caga-lule.

Waxa kaloo uu ka digay in laga feejignaado tabaha Puntland ku doonayso  inay wadahadalka u socda dawladda Somaliland iyo maamulka Khaatumo. Cali Khaliif waxa uu beeniyay warar sheegaya in ciidammada Somaliland ay  qabsanayaan magaalada Buuhoodle, waxaannu yidhi; “Buuhoodle waxa la rabaa in Khaatumo hilfaha loo qaado, kadib lagu xejiyo dadkaa walaalaha ee wada degan  oo qori dab leh la isugu dhiibo waxaana wada Ina Caga-lule oo aan ognahay lacagta xawaaladaha loo soo dhigay iyo waxa loo soo dhiibay,  waxaad ogaataan inta Somaliland wadahadalku noo socdo maamul ahaan (Khaatumo) ma jirto  wax duulimaad ah oo ay ku soo qaadayso Buuhoodle.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply