Guddoomiye Baashe iyo Talyanle oo ku Heshiiyay in Guddi Loo Saaro Furdaaminta Khilaafkooda

0
385

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiye ku-xigeenka  labaad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cali Yuusuf Axmed, ayaa sheegay  in dhawaan la furdaamin  doono khilaafka ka dhex taagan guddoomiye Baashe Maxamed Faarax iyo xildhibaan Cadiraxmaan Maxamed Talyanle oo ka biyo-diiday natiijadii codbixintii doorashadii guddoomiyaha ee la qabtay 6dii bishan.

 

 

 

Waxa kaloo   uu sheegay in labada dhinac ee Baashe iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle ay is hor fadhiisteen,  arrimo badanna la isku af gartay;  “Labada masuul way is arkeen, si fiican baanay u wada hadleen, waxa la isla gartay in maslaxadda golaha laga wada shaqeeyo oo qolo waliba iska soo saarto guddi  oo labadaas guddi wada hadlaan, todobaadkaas goluhu fasaxa ku jirana lagu dhammeeyo arrimihii la isku hayay,”ayuu yidhi Dr. Cali Yuusuf.

 

Guddoomiye ku-xigeenka wuxuu intaas ku daray;   “Dadweynaha waxaan leeyahay goluhu waa golihiinnii, wax  dhibaato ah oo ka jiraa ma jirto. Labada dhinac way is arkeen si fiicanna way u wada hadleen haddii Alle yidhaahdo inta hadhay waa la dhammaynayaa. Goluhu waa hal gole waxyaabaha lagu kala aragti duwan yahay waa iska caadi oo baarlamaannada adduunkay ka dhacdaa tan maanta ina hor taalaa, waa arrin waligeedba dhici jirtay.”

 

Geesta kale Guddoomiyaha Golaha Wakiillada,  Baasha Maxamed Faarax ayaa sheegay in maadaama oo dalka ay ka socoto hawlihii kaadh-qaadashada doorashadu uu golaha fasaxay muddo toddobaad ah, isla markaana muddadaas la dhammayn doono khilaafaadka golaha dhexdiisa ka jira, waxaannu yidhi;  “Hore waxaad u ogaydeen in aan golaha si caadi ah toddobaad u fasaxay, shirgudoonka markii uu tashaday,  waxaannu isla garanay, markii aanu ogaanay in ay kaadh qaadasho ka jirto Sool iyo Sanaag waxaannu isla garanay in goluhu fasax galo ilaa Axada dambe. Muranadii golaha jirayna lagu dhammeeyo muddadaas goluhu fasaxa ku jiro.”

 

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo ka hadlayay go’aankii maxakamadda sare ka soo saartay Sabtidii dacwadii  uu u gudbiyay;

“Maxkamadda sare waxay tidhi idinku khilaafka dhexdiinna ka dhammaysta, kadib markaanu is aragnay ee ay kulmeen xildhibaannada goluhu waxay isla qaateen in muddada golaha dib loo dhigo, lababa guddina la magacaabo,”ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle.

 

 

Maxkamadda sare ayaa qaraarkeeda waxay ku caddaysay inay golaha wakiilladu ku dhammaystaan khilaafkooda xeer hoosaadka aqalkaas oo caddaynaya qaabka loogu kala baxayo natiijooyinka codbixinta lagu murmo.

 

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply