Raila Odinga oo ugu Baaqay Taageerayaashiisa Mudaharaad

0
357

Hoggaamiyaha mucaaridka Kiiniya ayaa ku booriyay dadka in  ay ka joogaan shaqooyinka oo aaney tegin isniinta maanta ah  taasoo looga cabanayo natiijada doorashada ee lagu murmay.

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga, ayaa jawaab keni adayga ka bixiyey baaqyadii caalamka uga imanayey ee ahaa in uu aqbalo natiijada doorashadii todobaadkii hore dhacday ee uu muranku ka taaganyahay, guushu se ku raacday madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Fagaare ku yaalla xaafadda isku raranta ah ee Kibera oo ku taal magaalada Nairobi, ayaa dad iskugu soo baxay waxa Odinga iyo mid ka mid ah saraakiisha sarsaree xisbigiisu ugu baaqeen taageerayaasha mucaaradka in aanay shaqo tagin Isniinta maanta ah.

Senator James Orengo ayaa yidhi dadku waa in ay u dhego nuglaadaan baaqa mucaaradka ee ah isu soobaxa nabadgelyo, sidoo kalena waxa uu sheegay in warbaahinta maxalliga ahi aanay runta ka sheegayn sidii doorashadu u dhacday.

Wararkii u dambeeyey waxay sheegayaan in ilaa markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada lix iyo toban qof lagu dilay goobaha ay ku badanyihiin taageerayaasha mucaaradka ee ku yaal magaalada Nairobi iyo galbeedka wadanka.

Komishanka qaran ee Kiiniya ee xuquuqda aadanaha ayaa sheegay iyagu in toogasho lagu diley 24 qof xilliyo  ay dhacayeen mudaharaado tan iyo doorashadii kadib.

 

Leave a Reply