Madaxweynaha Somaliland oo ugu Baaqay Murrashaxiinta Xisbiyada Inay u Hoggaansamaan Natiijada Doorashada

0
418

Hargeysa (Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa murrashaxiinta saddexda xisbi qaran ugu baaqay inay u hoggaansamaan natiijada ka soo baxda doorashada madaxtooyada ee waddanka ka qabsoomaysa bisha November ee sannadkan.

 

Waxa kaloo uu madaxweynuhu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland tahay waddan dimuqraadi ah oo uu xaq u leeyahay inuu taageero murrashaxa xisbigiisa.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi dheer oo uu siiyay Weriye Axmed Saki Daahir Xasan oo ka tirsan  warbaahinta dawladda,  waxaannu kaga hadlay caafimaadkiisa iyo xaalada dalkaba.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ugu horrayn la weydiiyay sida uu u arko khaadhadh qaybinta codbixiyeyaasha ee ka socota gobollada Sool iyo Sanaag, waxaannu yidhi; “Waxaan aad ugu guubaabinayaa dadweynuhu  inay qaataan kaadhadhka codbixiyeyaasha,    ahmiyad weyn  ayay   inoo leeyahay qaadashada kaadhka codbixintu, waxaynu  ku gelaynaa doorasho xor iyo xalaal ah, waa xaq shacabku leeyahay waayo waxa aynu nahay dal dimuqraadiya oo madax-bannaan.

Waa inay markay doorashadu timaado dhammaanteen u diyaar-garownaa, sidaas darteed waa in kaadhka codbixinta la qaataa oo si aynu ugu diyaar garowno doorasho wanaagsan oo xaq ahi innoogu dhacdo.”

 

Madaxweynaha oo ka jawaabayay su’aal ahayd sida uu u arko  in siyaasiyiinta mucaaridku ay ku dhaliilaan taageerada uu siiyo murrashaxa madaxweynaha ee xisbal-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, waxaannu sheegay in Somaliland tahay dal dimuqraadi ah oo leh nidaamka axsaabta badan, isaguna uu ka tirsan yahay xisbi; “Dal dimuqraadiya ayaynu nahay oo axsaab (xisbiyo) ayeynu nahay, waxaan ka tirsanahay xisbi, haddii aanan Murrashaxa xisbigayga taageerin yaan taageeri lahaa?  Dabcan ummadda waan u simanahay si marka loo eego, laakiin xisbi ayaan ka tirsanahay, xisbiga aan ka tirsan nahay murrashaxiisa waan taageerayaa, waana waajib iyo xil i saaran,”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo, waxaannu intaas ku daray: “Mucaaridka waxaan leeyahay dal dimuqraadiya ayaynu nahay xaqiina waad helaysaan, cid xaqiinna idinka celinaysaa ma jirto, aynu wada hawlgalo oo aynu wada shaqo galo, shakigana iska saara oo iska daaya insha laahu  doorasho xor ah oo xalaal ah ayaa inoo dhacaysa.”

 

Madaxweynaha oo la weydiiyay in siyaasiyiinta qaarkood ay wax ka sheegaan caafimaadkiisa, kuna doodaan in dalka cid kale ka taliso, waxaanu ku jawaabay; “Iyaga hala waydiiyo cidda ka talisa dalka,  anigu waan caafimaad qabaa, dalkana anigaa madaxweyne ka ah oo ka taliya, haddii ay iyagu (mucaaridka) sheegayaan inay cid kale taliso iyaga ha la weydiiyo.”

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka jawaabayay inuu leeyahay mus-dambeed talada wax ku lihi, waxaannu  ku dooday in talada dalka aanu cidna uga dambaynin;

 

 

“Xilka iyo masuuliyada i saaran cidna ugama dambeeyo, xilka iyo waajibka ii saaran waan ka soo baxaa, si fiicanna  waan u gudataa. Waa la wada shaqeynayaa anigu kaligay ma ihi ee waa  la ila shaqeeynayaa aad ayaanan ugu mahadcelinayaa dadka ila shaqeeya ee had iyo jeer u soo jeeda ee u halgamaya dalkan madax-bannaanidiisa,” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.

 

 

Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay saddexda murrashax ee xisbiyada KULMIYE, WADDANI iyo UCID inay u hoggaansamaan natiijada doorashada madaxtooyada ee muddaysan inay Somaliland ka qabsoonto 13-ka November ee sannadkan, waxaannu yidhi; “Murrashaxiinta waxaan u soo jeedinayaa, tartan xalaal ah ayaynu galaynaa, markaa tartanka aad ka qaybgalaysaan nin walowba  nasiibkaaga ka qaad,  wixii ka soo baxana sharci ahaan ha loo wada   hoggaansamo.”

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo la weydiiyay fariinta uu u dirayo dadka qawadsan in doorashadu u dhacdo hannaan xor ah, waxaannu yidhi “Waxaan leeyahay shakiga iska saara, dalkani waa dal madax-bannaan waana dal siyaasadiisu bislaatay oo gaamuray isla markaana garanaya wuxuu qabanayo. Doorashadu si wanaagsan ayay inoogu dhici doontaa cid waliba waa inay u diyaar-garowdaa inay u hoggaansanto wixii ka soo baxa.” Madaxweynuhu waxa aad ugu dardaarmay inay bulshadu ilaashato nabadgelyadda iyo amaanka dalka oo ay meel ugu soo wada jeestaan ciddi wax u dhimaysa;  “Amaanka maslaxadda iyo danteenna ayaa ku jirta  waa xil iyo waajib ina saaran in aynu kuligeen ilaalinno nabadgelyada qaranka iyo wada jirkeena.” Ugu danbayn madaxweynaha Somaliland waxa uu tilmaamay marka uu xilka wareejiyo inuu ka shaqeyn doono danihiisa gaarka ah iyo kuwa dalkaba.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply