Wasiirka Madaxtooyada oo ku Garnaqsaday in Bulshada Sanaag Aanay ku Hungoobin Taageeradoodii KULMIYE

0
513

Dayaxa (Dawan)-  Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay inaanay bulshada gobolka Sanaag isku ciil kaambiyaynin codkii iyo taageeradii ay siiyeen xisbiga KULMIYE doorashadii madaxtooyada ee uu kula wareegay talada waddanka.

Waxa kaloo uu ku dooday in xisbiga KULMIYE ee uu xilligan hoggaaminayo Guddoomiye Muuse Biixi uu ku sidkan yahay Kulmiyihii wakhtigii Siilaanyo,waxaannu  sidaas ka sheegay hadal uu ka jeediyay xafladii bulshada deegaanka Dayaxa ay ku soo dhaweynayeen weftigii guddoomiyaha ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbal-xaakimka talada haya. Sidoo kale waxa uu ka hadlay doorashadii guddoomiyaha cusub ee Wakiillada  oo uu xusay inay xukuumaddu  guddoomiye u aqoonsan tahay Baashe Maxamed Faarax.

 

Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu ka mahadceliyay soo dhaweynta weftigooda loogu sameeyay deegaanka Dayaxa;  “Ilaahay ayaa mahad leh, mar labaadna, waxa milgo iyo maamuus leh dadweynaha, waxgaradka, waayeelka iyo dhallinyarada nagu soo dhaweeyey magaaladan quruxda badan ee Dayaxa, aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin. Dugsiga Dayaxi waa goob taariikhi ah, Dayaxa raggii wax ka bartayna way hadleen, ragii macalimiinta ka ahaana qaarkoodna waa kuwii halkan ka hadlay, raguna waa is muuq le’eg yahay, wax badan ayaa halkan ka soo baxay Axmed Xasan Cigaal oo yidhi 1963-kii ayaan macalin ka ahaa, iyo waxa wada socda rag aan dhalanba xilligaa, noloshaa sidaas ah, maanta waa is muuq le’eg yihiin,”ayuu yidhi wasiirku. Waxa kaloo oo uu intaas ku daray;  “Salaasada waxaannu joognay Hadaaftimo gurigii dhaqanka iyo saldannada guunka ah ee gobolka Sanaag, maantana (Arbaca) waxaannu joognaa gurigii aqoonta iyo siyaasada, KULMIYE sidaas ayuu u kala yaqaanaa deegaannada iyo goobaha kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland, meel waliba taariikh ayey leeyahay, meel waliba way wanaagsan tahay, meel hoosaysaa ma jirto, meel walba waxay ku wanaagsan tahay in loo qiro ayaa wanaagsan, halkani waa Dayaxa haddii soo dhaweyn iyo calamo badan oo KULMIYE ah lagu arko waxa weeye sax.”

“Halkani waa meelihii KULMIYE laga taageeri jiray waa dhulkii looga codayn jiray, gobolka Sanaag wuxuu ahaa gobolladii horumarka ka dib-dhacay isaga iyo Sool, ummadda wixii soo gala in laga xaqsooro ayaa waajib ah, Xukuumadda xisbiga KULMIYE ee madaxweyne Siilaanyo waxay ku talaabsatay horumar, waxay ku talaabsatay horumar aan cidi dafiri karin, bulshada Somaliland ee caqliga badan ayaa ka markhaati kacaysa, reer Sanaag-na way garanayaan, wixii ka qabyo ahna way garanayaan, wixii loo qabtayna ma difiri  karaan, waxa ka qabyo ahna ma diidi karno, Gobolka Sanaag waxaannu ku dedaalnay in aannu soo gaadhsiino gobollada kale,”ayuu yidhi wasiirka madaxtooyadu.

 

Waxa kaloo uu ku dooday in xisbiga KULMIYE  iyo xukuumadiisa aanay bulshadu ku hoogin ee uu wax qabtay, waxaannu yidhi; “Macnaheedu maaha wax walba waa la qabtay, se waa la dedaalay, taasi waxa ka markhaati kacaysa in aan KULMIYE lagu hoogin dadkii shalay u codeeyeyna aanay isku ciilkaan biyin, waxa ka markhaati ah haddii guul darro jirto maanta KULMIYE iyo Muuse Biixi midna sidaa looma soo dhaweeyeen, Muusow cod baanu ku siinaynaana lama  yidhaahdeen, Muuse wuxuu ku sidkan yahay Siilaanyo, Kulmiyaha maantuna wuxuu ku sidkan yahay Kulmiyihii Axmed Siilaanyo, waa isku mid, libtuu lahaana wuu la leeyahay, libta uu Muuse keeno maanta Siilaanyo waa la leeyahay.”

Wasiir Maxamuud waxa uu si qoto-dheer u sharraxay siyaasadda xukuumadda ee ku wajahan horumarinta xabkaha iyo beenyada ee gobolka Sanaag qaniga ku yahay, waxaannu ka hadlay khilaaf ka dhashay shirkado doonaya inay dhoofiyaan xabkaha iyo faleenka, isagoo arrintaas ka hadlayay waxa uu yidhi; “Arrinta beeyada hal baan ka leeyahay, gobolkani waa gobol caan ku ah beenyada, xabkaha iyo faleenka waa qaniimada ilaahay (SWT) siiyey, waa waxyaabaha xisbiga KULMIYE doonayo inuu xoog saaro, muddadii hore xoog maanu saarin oo waxyaabo badan oo kale ayaannu kaga mashquulnay, Madaxweynuhu hay’ad ayuu u sameeyey, hay’adaasi waxay astaan u tahay danaynta la danaynayo xabkaha iyo faleenka oo qaniimada qaranka ka mida, xisbiga KULMIYE bartilmaameed ayay u tahay guddoomiye Muuse-na maalin dhawayd waa kii ka waramayey, Madaxweynuhu hay’adaas wuxuu u magacaabay maareeye iyo Maraaye ku xigeen, waxa dhinaca ganacsiga iyo iib-gaynta ay hoos imanaysaa wasaarada ganasiga, dhinaca dhirta iyo xanaanadeedana waxay ka wada shaqeeyaan Wasaarada deegaanka.”

“Hay’addaas madaxweynuhu uma abuurin in lagu murmo iyo in laysku qabsado, cid gaara iyo shirkad gaar ahna ma siin, waanu calaamadinaynaa, shirkadaha tartamaya Wakaaladaasi waa u dhex, masuulkeeduna waa u dhex, Cabdilaahi Carey waa nin waayo arag ah, oo dhaqan yaqaan ah, oo ruug cadaaya waxaanu aamin-sanahay in aanay iskaga khaldami karin tartanka shirkadaha beenyada, iyo Wakaalada dhexdhexaadnimadeedu, xeerar baana loo samaynayaa, nidaam ayaa loo samaynayaa ummaddana waa u dhex. dareenkii madaxweynuhu ku sameeyayna waa sidaa, aragtida aannu ka leenahayna waa taas,”ayuu yidhi Wasiirka madaxtooyadu.

Geesta kalena, Wasiirku wuxuu ku dooday in doorashadii guddoomiyaha cusub ee wakiilladu u qabsoontay si taariikhdi ah, waxaanu yidhi; “Arrinta Golaha Wakiillada waxaannu leenahay, arrintaasi mid annaga xukuumad ahaan noo taalay maaha, waxay u taalay aqal gaar ah, wuu is doortay, annagu wax faro-galin ah kumaanu samayn, goluhu dhaqan ayuu leeyahay, waa xildhibaanno siman, doorasho fiican oo nadiif ah oo sumcad weyn Somaliland u keentay ayaa aqalkaa ka dhacday, warbaahinta oo dhan baa laga daawaday, shan arrimood ayaa golaha ka dhacay oo taariikhi ah.”

Wasiirka Madaxtooyada ayaa intaasi ku daray “Golahaas waxa ka dhacay shan arrinmood oo taariikhi ah, deero deero ma hir-diyin buuq iyo sawaxan ma lahayn, isaga oo miyir qaba oo ay ka muuqato bisayl iyo waayo aragnimo ayey codka galeen guddoomiye ku xigeenkii labaad Cali Yuusuf ayaa cod qaaday, codkii markii la qaaday iyo markii la tirinayey buuq ka soo baxay ma jirin, waa laba ee garsooirhii shir guddoonka ahaa ayaa wax soo saaray, saddex guddoomihii 12 sanno golaha gacanta ku hayay ee maamulayay Cabdiraxmaan Cirro ayaa soo kacay oo hambalyeeyay najiitadaa oo halkaa xilkii kaga degay, afar ninkii la tarmayey Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle ah oo ninkii Baashe la tartamayey ah ayaa aqbalay oo aqoonsaday najiitadii, wuu hambalyeeyey si waayo aragnimo iyo geesino leh ayuu u hadlay, waa shan waxa soo kacay Guddoomiyihii cusbaa ee la doortay, kursigii ayuu ku fadhiistay, waa gudoomiyey shirkii wuu mahad celiyey golaha inuu isku wadanayan wuu sheegay, Golihiina wuu xidhay. anigu waxaa qabaa xisbiga Waddani inay guul weyn oo siyaasadeed u ahayd maalintaa, aniga qiimayntayda, laakiin inay guushaa rifeen oo bakhti wareemaan ayaan u arkayey.

Markaanu Waddani u faano ee nidhaa waayo arag ayaanu nahay xisbi sideed sano mucaarid soo ahaa ayaannu nahay, xisbi dhici jiray ayaanu nahay, wax weyna ayaa laga dhaxlaa, WADDANI waa xisbi layli ah, halkaas waxa ka muuqata inuu layli yahay, eraygaanu lahayn ayaa cad maanta, hadaanu layli ahayn, waxa intaa yeeshay kamuu noqdeen.”

 

Wasiir Xaashi waxa uu ka hadlay maqifka rasmiga ah ee Xukuumadda waxaanu yidhi “ Annagu waxaannu aamin-san nahay inuu sax ahaa codka la qaaday goobta maanu joogin laakiin adkayaanta uu guushu ku sidmo ayaanu tirinaynaa, oo ah kuwaa aan sheegay, waxaan leeyahay muranku wuxuu u ekaa markii codka la qaadayey, maanta haybada maxkamada Dastuuriga ahna in la duro maaha, iyadoo dalku uu qarka u saaran yahay doorasho, waxaan Xildhibaan Rayte la qabaa waa balaysin xun, waa sumcada Somaliland oo meel lagaga dhacayo, waxa muujinaysaa ninka taa diiday beri, najiito ka qadhaadna in aanu qaadan karin, shacbiga Somaliland wuu arkayaa, xoog iyo cududna isku muquunin karo, waxa aynu nahay Ilmaadeer siman iyo saaxiibo tartamaya waxaanu leenahay marka laydinka adkaado qaata guul darada, haddaa naga adkaataan waanu qaadaynayaa, waar dalka u tudha, goluhu laba guddoomiye ma laha, hal guddoomiye ayuu leeyahay, gudoomiyihiina waa Baashe Maxamed Faarax, annaguna xukuumaddii dalka maamulaysay ayaanu nahay kaas ayaanu aqoonsanahahay, nin labaad oo sheegtaana waa dambi, in la qasaana waa dambi, gudoomiyaha Gollaha wakiiladu waa Baashe Maxamed Faarax, haday waxa kala tirsanayaan iyo haday boogahooda dhayanayaan xaq ayey u leeyihiin, Maxkamada dastuuriga ahi go’aan sax ah ayey qaadataym, waar arrintu dacwad dastuuri ahna ma ahayn mid idaari ahna ma ahayn labaas ayuubay qaadaa, waar bal Ina Sanweyne u gee, Nuur Naxar-na u gee, labadaas ayuubay qaada, waa go’aan gole arrinani mar hadii la tirnaya cid dib ugu noqotaa ma jirto.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply