Guddoomiyaha Wakiillada oo Baaq Nabadeed u Diray Beello ku Diriray Buuhoodle

0
610

Hargaysa (Dawan)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa baaq nabadeed u diray laba beelood oo walaallo ah oo dagaal ku dhex maray magaalada Buuhoodle, dagaalkaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Guddoomiye Baashe oo shir guddoominayay fadhigii golaha wakiillada ee shalay ayaa u soo jeediyay cuqaasha, waxgaradka iyo culimadda Somaliland in ay u gurmadaan dadkaa walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay Buuhoodle, waxaannu tilmaamay in labadaa beelood aanay jirin meel ay kala tegayaan, loona baahan yahay in ay joojiyaan dagaalka. “Waxaan baaq nabadeed u dirayaa labada beelood ee walaallaha ah ee dagaalku ku dhexmaray magaalada Buuhoodle, dad badan ayaa ku dhintay, waa dad walaallo ah oo wada degan, waxaan u soo jeedinaynaa in ay xabada joojiyaan,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Wakiilladu, waxaannu intaas ku ladhay; “Waa inay gurmadaan salaadiinta, wagaradka iyo culimo awdiinku, meel ay kala tegayaanna ma jirto, dadkii dagaalami lahaana maaha, wixii dhintayna Ilaahay haw naxariisto, wixii ku dhaawacmayna Eebe ha caafiyo.” Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply