Tog-wajaale: Meherad Ganacsi oo Ku-dayasho leh Taakulayna u Geysata Ciidammada Amaanka

0
377

Togwajaal (Dawan)- Gaadiidka biyaha u dhaamiya bulshada intoodaa dan’yarta ah ee Dameerada ayaan arkay iyagoo biyaha ka soo qaadaya daanta Itoobiya ee magaalada Wajaale, mar aan weydiiyey ninkii watey dameerka waxuu ii sheegay in dameeralayaashu biyaha ka soo dhaamiyaan dhinaca Itoobiya, oo ceelal ku yaaliin, halka dadka hantida haysta iyo hudheelada waaweyn ee cuntooyinka iyo hurdadu biyaha ka shubtaan booyadaha biyaha dhaamiya.

Biyaha booyadahu keenaan magaalada Togwajaale ayaa xilligan ah kuwa laga soo dhaamiyo balliyada xareedu gasho, oo halis caafimaad darro oo aad u weyn keeni karta, dadka badankooduna werwer ka muujiyaan, ayaa wakhtigii hore mamnuuc ahaa in booyadahu keenaan magaalada, balse sababo aan la garanayn awgeed ayaa la sheegay in masuuliyiinta Wasaarada Caafimaadka degmada iyo maamuulka magaaladu u fasaxeen inay ka soo dhaamiyaan, halka looga baahnaa inay ka soo dhaamiyaan ceel riig ah,  biyahiisuna nadiif yihiin oo masaafo dhowr kilomitir ah u jira kuna yaal deegaanka Botor.

Marka laga yimaado, dhaliilaha warbixintii hore aan kaga soo hadalnay ee dul-hoganaya maayarka Wajaale, waxa kale oo jira in maamulka magaaladu ku talaabsadeen arrin kale oo dhaawac ku ah shacabka iyo nidaamka dawladnimo, mudadii aan joogay magaaladana aan xogteeda helay, taas oo ah in la doonayo iibinta goob ahaan jiray ceel riig ah oo magaalada Tog-wajaale lahayd, balse aan xilligan shaqeyn, nasiib-darro-se halkii loo hawlgeli lahaa in la hagaajiyo si ay dhibaatada ka taagan magaalada ee biyo la’aanta wax uga qabato, ama mid kale lagu xidho, haatan gebi ahaanba uga wareegi doonto goobtaasi gacantii hantida bulshada, sida horeba dhul kale oo u dhowaa looga iibiyey ganacsato gaar u yeelatay, hadaan talaabadii ku haboonayd, laguna sixi lahaa maamulka heer gobol iyo xukuumad dhexe u qaadin.

Magaalada Tog-wajaale oo waayaheeda hawleed ee dhinacyada kale duwan badan yihiin, balse inta aan soo sheegnay loo tirinayo maamulka magaalada, wallow, bulshada magaaladu baddi aanay dareensanayn, isla markaana, aanu isku deynay inaan wax ka weydiino ayuu ka gaabsaday inuu wax jawaab ah ka bixiyo, gudoomiyaha Tog-wajaale Mr. Xaashi Maxamed Cabdi iyo Xoghayaha Tog-wajaale, mar weriye Maxamuud Walaaleye, oo ka tirsan hawl-wadeenada Wargeyska DAWAN, xafiiskiisa ku booqday usbuucii hore, isla markaana, uu Gudoomiye Xaashi sheegay,  inaanu wax waraysi ah bixinayn.

Gebagebadii, muddadii aan joogay Tog-wajaale ayaan ku soo arkay meherad ganacsi oo taakulayn aanay la qabin kuwa kale magaalada Wajaale iyo guud ahaan kuwa dalku u geysata ciidamada amaanka ee ilaaliya labada kantarool ee magaaladu leedahay.

Meherada oo inanta haysta magaceeda ku soo gaabinayo Nimco ayaan ogaaday in habeenkii saacada ay rawaxdo, hadii badeecada ay iibiso wax yaaliin, loo qeybiyo ciidanka jooga labada bar kantarool, taasoo ugu yaraan dhisaysa niyada iyo kalsoonida ciidamadu u haynayaan bulshadooda iyo gaar ahaan inantaa inta kale kaga duwanaatay garashadeedu.

Waxa haboon, isla markaana ugu baaqayaa bulshada, gaar ahaan ganacsatada magaalada Wajaale iyo guud ahaan magaalooyinka dalka, inay hoos u eegaan ciidamada kala duwan ee dalka, oo habeen iyo maalin u heelan sugida nabadgelyada iyo xasiloonida ka jirta dalkeena, oo ku amaanaan hawshooda, hadii aanay wax kasta oo ay u tarri karaan u geysanay. Dhamaad.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply