Shaqaaqadii Buuhoodle oo Go’aammo Laga Gaadhay

0
397

Buuhoodle (Dawan)- Cuqaasha iyo waxgaradka  gobolka Buuhoodle, ayaa go’aammo ka soo saaray shaqaaqo dhimasho iyo dhaawac keentay oo laba beelood oo walaalo ah dhawaan ku dhexmaray gudaha magaalada Buuhoodle.

Shaqaaqadan ayaa waxa ku nafwaayey toban qof oo isagu jira dableydii dagaalku dhexmaray iyo dad rayid ah, sidoo kalena, waxay dhaawacyo ka soo gaadheen soddon qof oo kale, waxaanna go’aamada ay ku heshiiyeen ka mid ahaa in ninkii dilka geystay ee fidmadu ka bilaabantay in lagu xukumay boqol halaad.

Caaqil Cabdisamad Cali Xasan oo ka mid ahaa ergada halkaasi u joogtay, ayaa faahfaahiyay go’aammada halkaasi ka soo baxay iyo qodobbada lagu heshiiyay, waxaannu yidhi;  “Waxaa lagu heshiiay qodobbo ay ka mid yihiin, ninkii Axmed Garaad  wax dilay inuu qisaas yahay, maxkamadda ayaa dilka ku xukumaysa, wixii diyo ah iyaga ayaa lagu wareejinayaa iyaga ayaa ikhtiyaar u leh inay dilaan iyo inay sii daayaan oo ay diyo (mag)  ka qaataan, hadday doonaan inay iska cafiyaan, 2- dhacdadii dhacday waxaannu  kaga heshiiney ninkii khaatilka ahaa ee la soo qabtay ee la sii dayay, waxaannu ku xukuney boqol halaad oo ganaaxa. 3- arrinkii reerka  Axmed Garaad muddo ka lahaa iyada oo aan mudadii dhammaan ayuu ka daba tag oo sameeyay waaney dhacday arrinkaas, isagana waxaanu ka xukuney 40-halaad oo ganaaxa”

Caaqil Cali Cabdi Cali (Cali Dahable)  oo isaguna madashaasi ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay dhimashada iyo dhaawaca labada dhinac, waxaanu yidhi “Shaqaaqada waxaa ku dhintay toban qof oo uu ku jiro ninkii dilku ka bilaabmey, waxaanu kaga heshiiney in la bixiyo min kun dollar oo tacsiyeyn ah waxaana ku dhaawacmey shaqaaqadaasi sodon qof oo dhaawacoodu kala gadisan yahay, waxaanu isla qaadaney iyadana in beeshu dhaawiciso dadkaa sodonka ah, dadka aan labada reer midna aheyn ee waxyeeladu ku gaadhay dhibaatadii shaqaaqadaasi in ay labada dhinac dhex u yihiin ayaanu ku hishiiney arrinta la leeyahay, Somaliland iyo Puntland ayaa ka danbeysay shaqaaqada waxaanu leenahay waxba kama jiraan, waxaanay arrintani ka dhex dhacday dadka ka heshiiyey ee magacooda iyo tilmaantoodaba aad aragtaan”

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo isaguna goobtaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in ay uga mahad celinayaan labada dhinacba sida ay u qaateen hadalada ergada, waxaanu yidhi   “Hadalku maanta waxa uu ku kooban yahay waa farxad weyn, Beelweynta Axmed Garaad taariikhda ayay gashay, horena waa ay ugu jirtay, maantana waxaan u maleynayaa ta halkan, iyada oo waxa ka dhacay aynu og nahay, sida wanaagsan ee aad noo soo dhaweyseen reer Buuhoodlow, waanu idiinka mahad naqeynaa ciidamadii aanu kala rareynay, sidii aad u qaadateena, waanu idiinka mahad celineynaa, markaanu idiin yeedhnay sida aad noogu timaadeena waanu idiinka mahad celineynaa”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply