Wasiirro isku Maan-dhaafay Tallaabo Diyaaradda Fly-Dubai Lagaga Reebay Hooyo Lammaan

0
377

Hargeysa(Dawan)- Wasiirrada Duulista Hawadda iyo Hawlaha Guud iyo Guriyeynta,  Farxaan Aadan Haybe iyo Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan), ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay tallaabo shalay duuliyihii   diyaaradd  Fly-Dubai uu diyaaradda kaga reebay hooyo lammaan oo ka mid ahayd rakaabkii diyaaradda ugu safrayay dalka Imaaraadka Carabta. kana dhoofayey madaarka Hargeysa.

 

Wasiirka Hawlaha Guud, Cali Xasan Maxamed,  ayaa sheegay in gabadha diyaaradda laga reebay ay ahayd hooyo ilmo yar wadata isla markaana fadhiisatay kursi aan ahayn kii ku qornaa tigidhkeeda kadib markii ay gabadha diyaaradda laga reebay ay kursigeedii u beddeshay Islaan waayeel ah oo keedu uu dhib ku ahaa.

 

Waxa kaloo   uu sheegay in hooyada lammaan oo ahayd muwaadinad u socotay dalka Ingiriiska oo aanu jirin wax dambi ah oo ay samaysay, balse   xoog lagaga reebay diyaaraddaas ay ku sifri lahayd.

 

.

Wasiirka Hawlaha Guud oo ka mid ahaa rakaabka raaci lahaa shalay diyaaradda Fly-Dubai  ayaa sheegay in uu goobjoog u ahaa wixii ka dhacay gudaha diyaaradda ergo uu ka galayna uu ku diiday duuliyihii diyaaradda waday taasina ay sababtay in wasiirka iyo gabadhaasiba  ay sidaa diyaaradda kaga hadheen.

Wasiirku waxa uu sidaas kaga hadlay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook, waxaannu yidhi;  “Gabadhani waa Somalilander waxay sidataa ilmo yar waxay u socotay UK, waxay madaarka  Hargaysa timmi 4.30 subaxnimo si ay u raacdo Flydubai, anigu waxaan madaarka  immi 6.40am si aan u raaco Flydubai. Haseyeeshee gabadhii iyo ilmaheediiba waxaa diyaaraddii lagaga soo rogay khasab. diyaaraadda waxaa la fuulay 7:40am gabadha iyo ilmaheedii waxay fadhiisteen kursigii loogu talogalay, hase ahaatee islaan waayeel ah oo aan kici karayn ayey isu beddeleen kursigii.”

 
“Wax yar kadib gabadh caddaan ah oo shaqaalaha diyaaradda ka mid ah ayaa u timmi gabadhii waxay u sheegtay inay kursigeedii ku fadhisato waxay ku tidhi ‘ka daaqada ma fadhisan karo waayo ilmo yar ayaan haystaa waxaa laga yaaba inaan kac-kaco oo aan musqusha u baahdo.’ Gabadhi shaqaalaha ahayd way ku adkaysatay. Nin kale oo rakaabkii diyaaradda ah ayaa yidhi ‘kayga ha fadiisato.’ Gabadhii shaqaalaha diyaaradda ahayd way cadhootay waxay u tagtay Kabtankii diyaaradda waxay go’aan ku gadheen in gabadha iyo ilmaha yarba diyaaradda laga dejiyo. Waxaa diyaraddii soo fuulay shaqaale Soomaali ah oo u shaqaynayey Flydubai waxay gabadhii u sheegeen in ay ka degto diyaaradda waxay tidhi ‘maxaan sameeyey’ waxaa lagu yidhi ‘waxaad cayday gabadh shaqaalaha diyaaradda ka mid ah’ waxay tidhi cidna maan caayin Laakiin lama dhegaysan. In yar ka dib ayaan soo dhexgalay innamadii Soomaalida ahaa waxay ii sheegeen in aan wax wayni jirin laakiin Kabtanku amar bixiyey waxaanay iga codsadeen bal in aan kabtanka la hadlo. Kabtankii ayaan ugu tagey qolka diyaarradda laga wado waan isu sheegay wuu soo yara kacay wuu isa soo taagay waxaan ka codsaday in aan gabadha iyo ilmaha yar la dejin wuxuu ii sheegay in ay go’aan ku gaadheen in aanay raacin gabadhaasi diyaaraddii waxay habsaantay saacad iyo toban daqiiqo,”ayuu yidhi Wasiirka hawlaha guud, waxaannu intaas ku daray; “Markii uu aniga iyo maamulihii  madaarkuba uu naga diiday, waxaan telefoon kula soo hadlay wasiirka duulista haseyeeshee isna waa la diiday. Markaa waxaan anigu go’aansaday  in aan ka dego diyaaradda. Inkasta oo ay isku dayeen inay igu qanciyaan in aan raaco diyaarada haddana waxaan soo raacay gabadhii ilmaha yar sidatay.Sidaas ayaa aniga iyo gabadhiiba  kaga hadhnay diyaaradii.

 

Waxa ila soo hadlay markiiba agaasime goboleedkii  Flydubai wuxuu ii soo garaacay raaligelin,  laakiin waxaan u sheegay inuu raaligelin siiyo miskiinada la dulmiyey shaqaalahooduna waxay sameeyeen ay ahayd masuuliyad darro.”

 

Dhinaca kale Wasiirka Duulista Hawada, Farxaan Aadan Haybe  oo   dhacdadaas kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in go’aanka gabadha lagaga soo reebay diyaaradda in uu isagu qaatay isla markaana ay tahay masuuliayadda shaqadooda iyo in ay ilaaliyaan habsami u socodka hawlaha madaarka, waxaannu yidhi; “Waxaa dhacday in gabadh ilmo yar wadatay oo ka mid ahayd rakaab ku safrayay diyaaradda Fly-Dubai in markii ay diyaaradda kortay ay fadhiisatay kursi aan keedii tigidhka loogu jaray mid aan ahayn, taasina waxay keentay in  shaqaalihii diyaaraddu ay u sheegeen in ay qalad tahay qofka rakaabka ahi in uu fadhiisto kursi aan kiisii ahayn waxaana lagu yidhi ‘kursigaaga fadhiiso laakiin way caytantay oo way dagaalantay waxaanay buuq galisay rakaabkii diyaaradda saarnaa’ sida warbixinta maamulka madaarku igu soo siiyay. Laakiin anigoo ka eegaya dhanka  dadnimada ayaan la hadlay kabtankii diyaarada oon ka codsaday in aan gabadha laga soo dejin diyaaradda ee ay raacdo laakiin wuxuu yidhi ‘gabadhan masuuliyadeeda ma qaadi karo oo way dagaalantay mana raacayso oo waa go’aankayga waxaannu yidhi ‘laba qodob kala doorta oo ah in gabadha diyaarada laga reebo iyo in dhammaan rakaabka la iga wada dejiyo oon diyaarada oo faaruq ah in aan ku duulo.”

“Gaadiidka cirku waa xaasaasi oo waa wax hawadda maraya masuuliyadda nabadgelyo ee dadka iyo diyaaraduna wuxuu saaran yahay waa kabtanka diyaarada wada haddii uu yidhi gabadhani rabshad ayay samaysay oo ma qaadi karno masuuliyadeeda mana raacayso diyaarada ee iga roga ama dadka oo dhan wada roga,  waxaa noo fududaatay in aanu gabadha iyo ilmaheeda oo qudha soo dejinno oo ay diyaarad kale raacdo intii la soo rogi lahaa rakaabka oo dhan,waxaanan qabsanay shaqadayadii iyo masuuliyadayadii saxa ahayd,”ayuu  ku dooday wasiirka duulistu.

 

Wasiir Farxaan waxa uu sheegay in aanu garanayn sababta uu wasiirka hawlaha guud uga hadhay diyaaradda, waxaannu yidhi;  “Ma garanayo wasiirka waxa soo raaciyay ma qaraabaa?, wasiirka telefoonkaanu   ka wadahadalnay wuxuu yidhi ‘aniguna  waan ka soo hadhayaa oo warbaahinta ayaan  la hadlayaa. ‘dee haddaad la hadasho ceebi may dhicin’ baan ku idhi ee nidaamkayagii saxda ahaa baanu marnaye taasi waa arrin kale laakiin, masuuliyadda madaarku wasaaraddayday hoos timaadaa go’aanka aanu qaadanayna go’aan sax ah buu ahaa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply