Dagaalkii Daacish ee Xuduuda Lubnaan oo la Hakiyay

0
348

Milateriga dalka Lubnaan ayaa waxa uu hakiyay howlgalladii uu ku baacsanayay maleeshiyaadka ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah ee ku sugan deegaanada waqooyi bari ee buuraleyda ah ee ku teedsan xudduuda uu dalkaasi la leeyahay waddanka Suuriya.

Bayaan ka soo baxay milateriga dalkaasi ayaa lagu sheegay xabbad joojin hal dhinac ah taas oo u gogol xaadhi doonta wadahadallo looga xaajoonayo sagaal askari oo Lubnaaniyiin ah oo ay kooxdan Jihaadiga ah qabsadeen saddex sanno ka hor.

Haseyeeshee warar soo baxay xalay ayaa sheegaya in la helay hadhaa meydad loo maleynayo in ay yihiin askartaasi, kuwaasi oo lagu aasay xuduuda Suuriya  agteeda.

Askartaasi ayaa waxaa lala tagay markii ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah uu cagta mariyay magaalada ku taalla xuduudda ee Arsal.

Waxyar un kaddib markii ay Lubnaan ku dhawaaqday xabbad joojinta, ayaa dhinaca kale ee xudduuda Suuriya waxaa iyana sidaas oo kale xabbad joojin uga dhawaaqay Ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan iyo milateriga Suuriya, kuwaas oo sidoo kale dagaal kula jira Daacish.

Milateriga Lubnaan ayaa ku adkaysanaya in xudduuda aanay ka jirin wax wada shaqeyn ah.

Leave a Reply