Kumanaan Muslimiin ah oo ka Qaxaya Dagaalka Barma

0
368

Kumannaan qof ayaa isaga qaxay guryahooda kaddib laba maalmood oo ay qulqulato ka taagnayd gobolka Rakhine ee dalka Myanmar, gobolkaas oo dhibaatada ka taagan ay sii murgayso.

Muslimiinta Rohingya ee laga tirada badan yahay ayaa si qarsoodi ah uga tallaabay xadka Myanmar ay la leedahay dalka Bangladesh, halkaasi oo ciidammada ilaalada xuduudaha ee Bangladesh ay dib u celinayaan dadka colaadda ka baxsanaya.

Dadka aan Muslimiinta ahayn ayaa laga daadgureeyay tuulooyinka halkaasi ka ag dhaw.

Dagaalka ayaa bilowday kaddib markii Jimcihii ay fallaagada Rohingya weerrar ku ekeeyeen ilaa iyo soddon saldhig oo uu leeyahay booliska.

Dagaalka ayaa sii socday ilaa Sabtidii.

Bulshada Rohingya ayaa gudaha dalka Myanmar waxa ay kala kulantaa xadidaado ba’an, qaabka loola dhaqmana waxa ay sare u qaadday walaaca arrintaas laga qabo.

 

Leave a Reply