Hargeysa(Dawan)- Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shaaciyey in doorashadii Guddoomiyaha cusub Golaha Wakiillada loogu doortay Baashe Maxamed Faarax 7-dii bishan ay ahayd mid u qabsoontay hab dimuqraadiyad ah.
Waxa kaloo uu sheegay in xukuumadoodu jeceshay in dimuqraadiyadda Somaliland taabogal noqoto.
Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu sidaas ka sheegay kulan uu xafiiskiisa ku qaabilay shirgudoonka golaha wakiillada oo uu ku jiray Md. Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo shalay loo doortay guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee wakiillada.
“Maanta (shalay) waxa golaha Wakiillada ka dhacay dimuqraadiyadii rasmiga ahayd iyadoo toban cisho ka horna si dimuqraadiyad ah loogu doortay guddomiyaha golaha Wakillada, kadib markii uu is casilay guddomiyihii hore,”ayuu yidhi Ku-simaha madaxweynuhu, waxaannu intaas ku daray in xukuumad ahaan ay jecel yihiin in dimuqraadiyada Somaliland kobocdo, waxaannu yidhi; “Maantana (shalay) waxa guddomiye ku-xigeenka koowaad loo doortay xildhibaan Axmed-yaasiin sheekh Cali Ayaanle, aad baanan ugu mahad celinayaa xildhibaanada golaha annaguna (xukuumadda) haddii aanu nahay, waxaannu markastaba diyaar u nahay inay dimuqraadiyadda Somaliland kobocdo. Ugu danbayntii waxaan u ducaynayaa labadan masuul ee xilka ku cusub ee guddoomiyaha iyo gudoomiye-kuxigeenka, waxaanan ku boorinayaa inay si wacan hawshooda u gutaan.”
Sidoo Kale wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa bogaadiyey doorashadda gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiilada Somaliland; “Doorashii saaka (shalay) golaha Wakiilada ka dhacday ee loo tartamyay Kursiga gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha, waxaan ku bogaadinayaa golaha Wakiilada tartankii fiicnaa ee bisaylku ka muuqday ee golaha ka dhacay.
Iyadoo ay doorashii hore-na runtii si mudakarnimo leh u galeen wixii hadal soo baxay oo aan fiicnayna banii’aadamku waa qaldami karaa ee gadaal iska dhaq-dhaqeen raggu waxay ahayd runtii wax weyn,”ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi. Waxaa kulankaas goobjoog ka ahaa wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan aqalka wakiillada oo galbinayey shirgudoonka golaha oo saddexduba ka tirsan yihiin xisbal-xaakimka KULMIYE.
Dawannews Hargeysa office