Wasiirka Hawlaha Guud oo la Kulmay Ra’iisul-wasaarihii Hore iyo Wasiirka Khaarajiga Turkiga

0
410

Ankara (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland, Mudane Cali Hassan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa la kulmay  Ra’iisul-wasaarihii hore ee Turkiga Ahmet Davutoglu, wasiirka wasaaradda arrimaha Dibadda Mevlüt Çavuşoğlu iyo Jaaliyadda reer Somaliland ee dalkaas.

Kulanka Wasiirka Cali Xasan iyo Raysal wasaarihii hore ee dalka Turkiga Ahmet Davutoglu, ayaa ka dhacay magaalada Konyo ee dalka Turkiga, waxaanay ka wada hadleen muhiimada  uu leeyahay xidhiidhka walaalnimo iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labad dal.

Wasiirka Hawlaha guud, sidoo kale waxa uu kulan la yeeshay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu, waxaanay labada wasiir ka wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada dal, isla markaana ay dawladda Turkigu door muhiima uga qaadan lahayd horumarka Jamhuuriyadda Somaliland sida waxbarashada iyo Caafimaadka, iyo waliba dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo jidadka.

“Waxaan magaalada  Antaaliya  ku soo dhawaynayaa Wefti ka socda Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka hawlaha guud Cali Xasan Maxamed, waxaana jira laba dal oo la kala yidhaahdo Soomaaliya iyo Somaliland oo marar badan dalkan Turkiga loogu qabtay wada hadalo, waanu ku dhiiri gelinaynaa, waxaanan rajaynayaa in ay noqdaan wada hadalo midho dhala,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu.

Wasiirku waxa kaloo uu kulan ballaadhan la yeeshay  jaaliyadda Somaliland ee ku sugan waddanka Turkiga, waxana ka soo qaybgalay dhammaan ardayda reer Somaliland ee wax ka barta Jaamacadaha dalkaas, iyaga oo uga xog waramay xaaladooda nololeed iyo ta waxbarasho .

Wasiirka oo kulankan ka hadlay ayaa sharraxay waxqabadka Xukuumadda Somaliland, isaga oo tilmaantay in xukuumaddu fulisay dhammaan barnaamijkii wax qabad ee ay doorashada ku gashay wakhtigii ololaha, sannadkii 2010-ka, Imikana ay dadweynaha cod ku weydiisanayso qorshe cusub oo ay Umadda u soo bandhigi doonto, waxaanu ka codsaday Jaaliyadda inay gacan ka geystaan horumarinta dalka.

Safarka uu Wasiirku tegay dalka Turkiga ayaa ka danbeeyey marti qaad rasmiya oo uu ka helay Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga, waxaanu u mahad naqay madaxda iyo ardayda wax ka barata jaamacaha dalkaas.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply