Guddoomiyaha KULMIYE oo Meeqaamkii u Sareeyay Loogu soo Dhaweeyay Imaaraadka

0
357
  • Wuxuu dawladda imaaraadka kala hadlayaa mashaariic ay ku baxayso 2 bilyan oo doolar
  • Cabdiraxmaan Cirro oo nidar ku maray inuu laalayo heshiisyada casriyaynta dekedda iyo saldhiga millatari

By: Bahda Dawan

Abu Dhabi(Dawan)- Guddoomiyaha ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbal xaakimka KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa meeqaamkii ugu sareeyay loogu soo dhaweeyay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka carabta,oo uu shalay ku tagay booqasho rasmi ah.

Guddoomiye Muuse Biixi,  waxa madaarka Dubai ku qaabilay saraakiil sarsare oo ka tirsan dawladda imaaraadka carabta iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka, Baashe Cawil Cumar, waxaana guddoomiyaha looga galbiyay dhinaca caasimada Abu Dhabi, iyadoo ay qaadeen baabuurta gaarka ah ee loogu talogalay madaxda dalkaas booqata.

Booqashada Guddoomiye Muuse Biixi waxay la xidhiidhaa martiqaad uu ka helay dawladda Imaaraadka, waxaanay booqashadiisu qaadan doontaa muddo afar maalmood ah. Waxa lagu wadaa inuu kulamo la yeesho masuuliyiinta sarsare ee waddankaas oo ay ka wada hadli doonaan sidii loo dhammaystiri lahaa mashaariic horumarineed oo ay dawladda Imaaraadku ka wado Somaliland oo ku wajahan horumarinta adeegyada bulshada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Waxa kaloo Guddoomiyuhu kala hadli doonaa madaxda Imaaraadka mashaariic kale oo ay dawladda Imaaraadku dalka ka hirgelin doonto doorashada madaxtooyada ka dib oo ay ku baxayso  lacag lagu qadaray 2 Bilyan oo Doolar.

Waxaa guddoomiyaha KULMIYE kala qaybgeli doona kulamada uu la yeelanayo madaxda dawladda imaaraadka xubno wasiirro ah oo maalmahanba ku sugnaa imaaraadka  oo ah  wasiirrada Arrimaha dibadda,maaliyadda, madaxtooyada iyo qorshaynta qaranka. Cilaaqaadka dawladaha Somaliland iyo Imaaraadka ayaa xoogaystay, iyadoo Imaaraadku noqday  dalka kaliya ee maalgashiga ugu badan u huray  Somaliland, waxaana iskaashigan dedaal badan ku bixiyay xaqiijintiisa danjire Baashe Cawil  Cumar.

Geesta kalena waxa booqashada guddoomiye Muuse Biixi ku soo beegantay xili  guddoomiyaha iyo murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uu hore  nidar ugu maray  haddii uu ku guulaysto doorashada madaxtooyada inuu laali doono heshiiska shirkadda DP World ay ku maalgelinayso marsadda Berbera dhaqaale dhan $442 Milyan oo doolar iyo heshiiska labaad ee dawladaha Imaaraadku saldhiga millatari kaga furanayso magaalada Berbera.

Leave a Reply