Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka oo u Digay Xisbiyada iyo Xukuumadda

0
372

“Wasiirku marka uu ololaha doorashada ka qaybgalayo waa inuu baabuurka dawladda meel iska dhigo”

 

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Somaliland  Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiqaadir Iimaan Warsame,  ayaa digniin u diray axsaabta qaranka, waxaannu sheegay in aanay u dul-qaadan doonin xisbiga jabiya heshiiskii anshaxa ee ay hore u wada galeen. waxa kaloo ay farriin u direen ciidammada qaranka.

Guddoomiyuhu waxa uu xukuumadda Somaliland ugu digay in ay hantida qaranka ku gasho ololaha doorashooyinka. “Annagu haddii aanu nahay Komishankii doorashooyinka qaranka, waxaannu bixinay ganaaxyo iyo digniino, ganaaxa aanu imika idinku soo rogaynaa waa mid ka sarreeya ganaaxyadii markii hore aanu idinku soo rognay, ciidammada qaranka Somaliland-na way na maqlayaan loo dul qaadan maayo xisbiga jabiya heshiiska aynu kala saxeexano, haddii kale waad joogtaane waxaad tidhaahdaan ma saxeexayno annagu,” ayuu yidhi Guddoomiye  Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo ka hadlayay shalay kulan lagu qabtay xaruntooda oo lagu shaciyey in la soo gabogabeeyay kaadh-qaybtii codbixiyeyaasha.

 

Md. Cabdiqaadir Iimaan oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi; “Xeerka anshaxa ee lagu galayo doorashada waanu idinkala tashan doonaa (xukuumadda), doorasho ayaynu galaynaa, qaranka oo dhan ayaad ka masuul tihiin, hantidii qaranka ayaad haysaan, way ku jirta anshaxa iyo xeerka la saxeexayo, waxaa dawladda waajibaad ka saaran yahay hantida qaranka dhex baa loo yahay, idinkaana u haya haddii aad tihiin xukuumaddii, waxaannu idin faraynaa inaad ka waantowdaan in gaadiidka dawladda, Tv-ga, Radiyaha iyo dhaqaalaha dawladda in lagu galo ololaha doorashada waana mamnuuc, wasiirku marka uu ololaha doorashada ka qayb galayo, waxa habboon in baabuurka iyo shidaalka dawladda ee uu shicibka ugu shaqeeyo in uu meel iska dhigo oo uu baabuurkiisa gaarka ah ku ololeeyo, loomana ogolaan doono in lagu ololeeyo hantida dawladda oo xisbina gaar u yeesho.”

 

Leave a Reply