Ingiriiska oo soo Saaray Qalab ka Shaqaynaya Beeraha Sidoo Kalena Jaraya.

0
366

Khuburro ka soo jeeda waddanka Ingiriiska ayaa soo saartay qalab cusub oo loogu talo galay inuu ka shaqeeyo beeraha dalkaasi, kaas oo ay sheegeen in ay ku nasan doonaan dadka beeralayda ahi.

Qalabkan ayaa awood u leh inuu qodo beerahaasi, sidoo kalena uu jaro midhaha ka soo baxa beeraha, iyada oo aanay wax faro gelin ah ku yeelanayn dadku ama dadka beeralayda ahi, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska Telegraph oo uu wargeyska Dawan ka soo xigtay warbixintan.

Qalabkan waxa sameeyey khuburro ka tirsan jaamacadda University of Harper Adams, iyada oo hadda uu soo dhamaaday tijaabadiisii ugu dambaysay, waxaana lagu magcaabaa mashruuca samaynta qalabkan Hands-Free-Hectare, waxaanu awood u lee yahay inuu beero , sidoo kalena jaro dhul aad u balaadhan .

Tijaabada ugu horeysa waxa lagu sameeyey gobolka Shropshire Province , iyada oo uu mashiinkaasi ku guulaystay inuu qabto dhamaan shaqadii laga doonaayey ee dhinaca beeritaanka ahayd, iyada oo aanay faro gelin ku samayn dadka beeralayda ahi.

Dawlada Ingiriiska ayaa ku bixisay qalabkaasi soo saaristiisa lacag aad u badan oo dhan ilaa 200,000 oo lacagta Ingiriiska ah, halka ay lacag taasi lamid ahi hore ugaga bixi jirtay jarista iyo beerista beeraha markii hore, waxaanu qalabkani noqday mid lagu shubay Barnaamijyo kala duwan oo u sahlaaya inuu qabto shaqadiisa.

Waxa lagu rakibay qalabkan Kamarado, waxa kale oo  lagu shubay Barnaamij ( Program) ay ku jiraan qoraalada iyo magacyada  waxyaalaha uu beeraayo, waxa kale oo ku jira noocyada ciida ee ay midhahaasi ka bixi karaan ,waxa kale oo ku jira  Siidhadhka noocyadooda iyo magacyadooda.

Waxaanu qalabkani awood u lee yahay inuu qabto dhamaan adeegyada ay dadku ka qabtaan beeraha , laga bilaabo bilawga ilaa dhamaadka oo jarista beerta ah.

Khuburadda qalabkan samaysay ayaa sheegtay inuu noqon doono mid aad u jaban, marka loo eego shaqaalaha ka shaqeeya beeraha ee la soo kiraysto, sidoo kalena uu kordhinaayo wax soo saarkii dhinaca Beeraha ee beeralayda.

 

Leave a Reply