Taleefan Noqday kii ugu Casrisanaa Caalamka oo La soo Saaray

0
370

Shirkadda Apple ayaa soo saartay taleefan aad u casri ah oo noqday taleefanka ugu qaalisan caalamka, iyada oo khubaradda samaynta taleefanada ee shirkaddaasi ay in muddo ah ku mashquulsanaayeen soo saaristiisa.

Shirkadan ayaa ku beegtay soo saarista taleefankan 10-sanno guuradii ka soo wareegtay markii la aaaasay , waxaanay sheegtay inay sannadkan ku wan qalayso taleefankan oo noqonaaya kii ugu casrisanaa ee la soo saaro abid .

Khabiir ka tirsan shirkadda Apple oo la hadlaayey wargeyska Daily Mail oo uu qormadan ka soo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in ay taleefankooda ku samayn doonaan isbedelkii ugu weynaa ee lagu sameeyo taleefanada ay soo saaraan abid, isaga oo intaasi ku daray inay taasi noqon doonto mid aanay maskaxda bani’aadmigu qaadi doonin habka loo sameeyey marka ugu horeysa ee suuqyada lagu soo daayo.

Marar badan ayaa isbedelo lagu sameeyey taleefanka shirkaddaasi ee Iphone , iyada oo markani noqonaysa markii ugu horeysay ee ay si dhab ah ugu bedesho taleefankeeda, madaama oo ay in badan soo samaynaysay shirkaddu taleefankaasi .

Khubaradda shirkaddan ayaa sheegtay in taleefankan qiimihiisu noqon doono mid aad uga sareeya intii hore loo siin jiray, waxaanay ku sababeeyeen in taleefankaasi uu gudo ahaan iyo dibad ahaanba aad uga duwanaan doono taleefanada kale ee ay soo saarto ama soo saari jirtay.

Taleefankan ayaa lagu magcaabi doonaa Iphone X, isaga oo noqon doona mid ka duwan taleefanadii ay shirkaddu hore usoo saari jirtay , madaama oo ay khubaradaasi sheegeen in ay waxyaalo badan ka bedeli doonaan taleefankan.

Taleefankan ayaa u samaysan hab xoodan, iyada oo habkaasi uu kaga yaalo xaga hore ee taleefanka , waana mid lagu garan karo marka lasoo saaro ee uu suuqyada soo galo, waxa kale oo iyadana lagu daray waxyaalo dheeraada oo ka duwan kuwii hore loogu yaqaaney.

 

 

Leave a Reply