28 Qof oo Lagu Aasay Jigjiga iyo Barakac ka Dhashay Rabshadaha Dhexmaray Soomaalida & Oromada

0
402

Jigjiga (Dawan)-Waxa magaalada Jig Jiga ee caasimadda dawlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya, shalay  aas wadareed loogu sameeyay illaa 28 qof oo la sheegay in lagu laayay degaanka Hawaday ee u dhow magaalada Harar.

Aaska ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweynaha dawlad degaanka Cabdi Maxamuud Cumar oo hadal uu halkaas ka jeediyay dilka ku eedeeyey ismaamulka Oromada  ee dariska la ah, balse waxa uu sheegay in dadka shacabka ah ee Oromada aanay wax eed ah lahayn, qaarkoodna ay badbaadiyeen dad Soomaali ah oo la baacsanayay.

Sida uu BBC-da u xaqiijiyay la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha saxaafadda Maxamed Bille Xasan, waxaa jira laba xabaalood oo kale oo qodan oo lala sugayo meydad lasoo wado. Aaska ayaa waxaa ka qaybgalay dadweyne aad u faro badan iyo mas’uuliyiin dawladeed.

Maamulka ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq ah oo loo murugoonayo dadka la laalayay. Dadka lafahooda lasoo baxsaday waxaa ka mid ah Axmed Maxamuud Ciise oo isaga oo ku sugan magaalada Jigjiga u waramay BBC-da, waxaannu yidhi; “Annaga oo aan waxba ogayn ayaa waxaa nasoo weeraray ciidammada Booliiska Oromada iyo dhalLinyaro faashash ku hubaysan, inankii oo markaas suuliga tagey  ayay ku dageen, annaguna  markaanu  aragnay waxa dhacaya aqalka xagga dambe ayaan ka baxnay, waxaana nasoo badbaadiyay ciidammada millitariga.”

 

Ninkan oo sheegay in walaalkiis la dilay, ayaa sidoo kale qiray in isaga indhihiisa uu ku arkay maydadka illaa 50 qof oo Soomaali ah.

Waxa uu intaas ku daray in magaalada Hawaday ee dhibaatadu  ka dhacday uu arrimo ganacsi u joogay muddo 20 sanno ah, islamarkaasna aanu  dib ugu laaban doonin.

Dhanka kale afhayeen u hadlay ismaamulka Oromiya oo lagu magacaabo Adisu Arega ayaa BBC-da u sheegay in dadka dhintay ay dhan yihiin 18 qof, kuwaas oo uu sheegay in 12 oo kaliya ay Soomaali yihiin, halka lixda qof ee  kale ay Oromo yihiin.

Wuxuu sheegay in rabshadaha ay bilowdeen kadib markii ciidammada Liyuuga ee Ismaamulka Soomaalida ay afduubteen saraakiil ka tirsan maamulka Oromiya oo markii dambe la dilay.  Balse eedahan way beeniyeen maamulka degaanka Soomaalida Itoobiya.

 

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in xitaa ciidammada millitariga Soomaaliya ay ku lug leeyihiin dilalka ka dhacaya ismaamulka Oromada, sida uu hadalka u dhigay. Lama xaqiijin karo sida eedahaasi u jiraan. Dawladda dhexe federaalka Itoobiya ayaanan wali wax hadal ah kasoo saarin dhacdooyinkan.

Magaalada Harar waxaa la’isugu geeyay dad badan oo Oromo ah oo laga soo daadgureeyay degaanka Soomaalida cabsi laga qabo in xiisada ay saamayso.

Rabshadaha dhacay waxay  saamayn ku yeesheen dhaqdhaqaaqa ganacsiga, iyada oo qaadkii laga qaadi jiray degaanada Oromada ee tagi jiray illaa Soomaaliya ay gabi ahaanba joogsadeen.

Dad kasoo jeeda qowmiyadda Oromada oo ku nool dalka Maraykanka ayaa BBC u sheegay in ay aad uga xunyihiin waxa dhacay, iyaga oo ku baaqay in la qaboojiyo rabshadaha.

Dagaalkan ayaa sababay inay barakacaan kumanaan qof oo ka qaxay degaannada rabshaduhu ka dhaceen. The Addis Standard oo ka mid ah warbaahinta maxaliga ah ee Itoobiya ayaa werisay  in  qalalaasaha ka jiray  bariga Itoobiya uu  xilligan ku sii fidayo koonfurta iyo koonfur galbeed ee waddanka Itoobiya. Dawladda federaalka Itoobiya, ayaa sheegtay daboyaaqadii toddobaadkii hore inay ku hawlan tahay dedaalo lagu  nabadeynayo labada dawlad degaan ee rabshaduhu dhex mareen. Bishii October ee sannadkii 2016-kii, dawladda Itoobiya waxay gobolka Oromada ku soo rogtay xaalad degdeg ah oo la xidhiidhay mudaharaadyadii dawladda ka dhanka ahaa, waxaana  laga qaaday xaaladii degdega ahayd  Bishii April ee sannadkan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply