Salaadii Jimacaha ee Shalay oo Loogu Baaqay Dadweynaha in Aan Waxyeelayn Dadka Oromada ah

0
338

Hargeysa(Dawan)- Culimada Imaamada ka ah Masaajidada waaweyn ee Hargeysa, ayaa Salaadii Jimcaha ee shalay kaga hadlay dagaalka Oromada iyo Soomaalida ee Itoobiya, waxaanay ka digeen in wax la yeelo dadka Oromada ah ee innagu dhex nool.

Dagaalkan oo hadal hayntiisa iyo saamayntiisaba si weyn looga dareemayey Magaalooyinka Somaliland qaarkood, waxaana Imaamadu ugu baaqeen dadweynaha in ay u dhaqmaan si deganaansho ah, isla markaana ka fogaadaan wixii waxyeelo keenaya.

Imaamka Masjidka Cumar Binu Khadaab ee u dhow Cisbitaalka Weyn Sh. Ismaciil Xasan waxa uu soo jeediyey in nabada laga shaqeeyo, waxaana uu aad u soo dhoweeyey hadalkii Afhayeenkii qowmiyada Oromada ee Waqooyiga America kaas oo qowmiyada Oromada u soo jeediyey in ay ka baaqsadaan dagaal, isla markaana ay joojiyaan dagaalka. Sh. Ismaciil waxa uu ka digay in dagaalkaasi saamayn ku yeesho dad aan ku jirin dagaalka.

Imamka Masjidka Ibrahim Dheere, Yaxye Sh. Almis, ayaa iska hadlay dagaalkaa iyo saamayntiisa waxaana uu yidhi ‘’ Dadka Masaakiinta ah ee inagu dhex nool yaan la dhibin, waxaynu nahay ummad muslin ah, dad muslimiinta ahna waa in dhexdooda la walaaleeyaa’’.

Imamka Masjidka Nakhiil Sh. Barbaraawi ayaa isna ka digay dagaalkaa waxaana uu yidhi ‘’ Waa in aan la dilin qof aan dagaalka shuqul ku lahayn’’. Sidoo Khadiibka Masjidka Siinaay, ayaa isna khudbadii Salaada Jimcaha kaga hadlay arrimahan waxaana uu yidhi ‘’ Maalmihii ugu danbeeyey waxa wadooyinka magaallada lagu arkayey dad badan oo isu soo baxay markii la waayey Qaadkii ay ku mashquulsanaayeen, dadkaasi ha iska ilaaliyaan in ay wax dhib ah geystaan’’.

Intooda badan Imaamada Masaajidada Hargeysa khudbadihii shalay ee Salaada waxay kaga hadlayeen arrinta dagaalka iyo saamayntiisa. Qaarkood waxay ka digayeen in wax la yeelo dadka Oromada ah ee inagu dhex nool, qaarkooda waxay ka hadlayeen saamaynta dhinaca Qaadka. Imaamada qaarkood ayaa ugu baaqay in aan Qaadka loo arag wax daruur ah .

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply